Home Wararka Maanta Dowlada Somaliya oo la wareegtay Gaadiid Dagaal oo loogu Deeqay Ciidanka Gor...

Dowlada Somaliya oo la wareegtay Gaadiid Dagaal oo loogu Deeqay Ciidanka Gor Gor

0

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta dekadda magaalada Muqdisho kula wareegay gaadiid nuuca dagaalka oo dowladda Turkiga ugu deeqday ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Gorgor.

Gaadiidkan loogu deeqay milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa ay tababareen dowladda Turkiga ee Gorgor ayaa ah nuuca loo yaqaan Cabdi Bilaha, waxaana gaadiidkan loogu tala galay in ay ku howlgalaan ciidankan oo dagaal isku diyaarinaya.

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo la wareegay gaadiidkan ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga deeqdan, waxa uuna sheegay in xilli baahi loo qabay kusoo aaday gaadiidkan loogu deeqay.

”Waxaan maanta dekada Muqdisho kula wareegey gaadiid ay noogu deeqdey Dowlada aan walaalaha nahay ee Turkiga. Gaadiidkaan oo loogu tala galey in lagu tayeeyo Ciidamada Xoogga gaar ahaan GorGor, ayaa waxay keenistooda ku soo aadey wakhti Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladooda ay dagaal kula jiraan Khawaarijta Shabaab. Waxaan u mahad celinaayaa Shacabka iyo Dowlada Turkiga oo hiil iyo hooba la garab taagan xaalad kasta walaalahooda Soomaaliyeed” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.
Ciidamada kumaandooska Soomaaliya gaar ahaan kuwa Gorgor ayaa taageero dhinacyo kala duwan ah ka hela dowladda Turkiga oo ciidankan tababar heer sare ah siisay sidoo kale ka qeyb qaadata maal-gelintooda.
Ad
Previous articleBarlamaanka Midowga Yurub oo Haa ugu Codeeyay Heshiiska Cusub ee Magangalyodoonka
Next articleSomaliland oo eedeysay babadoonadii ka Baxay Muqdisho eee Waanwaanta Waday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here