Home Wararka Maanta Kulankii labaad ee Golaha Shacabka oo Maantay Markale Sabab Yaableh baaqday

Kulankii labaad ee Golaha Shacabka oo Maantay Markale Sabab Yaableh baaqday

0

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa markale baaqday, kadib markii ay soo xaadiri waayeen inta badan xildhibaanada Golaha.

Xildhibaano kooban ayaa tegay xarunta, balse kooramka oo buusami waayey kadib ayaa waxaa kulanka soo xirtay guddoomiye ku xigeenka koowaad Marwo Sacdiya Yaasiin.

Waxa ay sheegtay in guddoomiyaha uu ku maqan yahay safar uu ku aaday magaalada Xudur, xildhibaanno badana ay raaceen, taasna ay ugu cudur daarayaan.

“In madaxdii sare ay maqan tahay, xildhibaano badana ay maqan yihiin oo ay raaceen  cudur daarka xildhibaanada intaas ayaa loo sameynayaa,” ayey tiri Sacdiya Yaasiin.

Dhinaca kale qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa arrintan si adag uga hadlay maadaama Sabtidii uu sidaan oo kale u baaqday kulankii Golaha Shacabka.

Xidlhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu oo hoolka kula hadlay Wariyeyaasha ayaa soo jeediyay in lala xisaabtamo xildhibaano maqan, kadibna tallaabo adag laga qaado.

Dhankeeda Xildhibaan Rowdo oo ka tirsan xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa iyaduna shaaca ka qaaday in arrintan lagu cuuryaaminayo Golaha, waxayna tilmaamtay in ay jiraan xildhibaano badan oo soo xaadiray fadhiga, balse diiday inay buugga saxiixaan.

“Xildhibaano ayaa yimid fadhiga, weyna diideen in ay buugga saxiixaan” ayey iyaduna tiri xildhibaan Rowdo.

Arrimahan ayaa ku soo aadayo, ayada oo Baarlamaanka Soomaaloya uu yaallo mooshin ka dhan ah Xildhibaan Sacdiya Yaasiin, kaas oo ay gudbiyeen xildhibaano ka tirsan Golaha, kuwaas oo ku eedeeyay inay xadgudubtay Diinta, kadib hadalkeedii xeerka Jinsiga.

Ad
Previous articleCiidamada Dowlada oo Goordhow Dib ulawareegay Degaan Dhawaan Alshabaab Xoog Ku Qabsadeen
Next articleRa’isul Wasaare Xamse Barre iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo goordhaw gaaray Aadan Yabaal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here