Home wararka Dalka Dhageyso Khudbadihii ay jeediyeen Odayaasha Beesha Reer Xaaji Saleebaan oo ka Baxday...

Dhageyso Khudbadihii ay jeediyeen Odayaasha Beesha Reer Xaaji Saleebaan oo ka Baxday Maamulka Galmudug..

1
SHARE

Magaalada Cadaado waxaa goor dhow kulan ugu soo dhamaaday beesha degta Magaalada ee reer Xaaji Saleebaan.

Kulanka marka uu soo dhamaaday ayay beesha shaacisay in ay iskaga baxeen Maamulka Galmudug isla markana ka tirsaneyn.

Odayaasha beesha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu soo dhamaaday waqtigii dulqaadka isla markana la gaaray waqtigii go.an cusub la qaadan lahaa.

Sidoo kale beesha ayaa sheegtay in laga bilaabo maanta ay xiranyihiin xuduudaha beeshooda sida mudug24 ka ogaatay khudbadii la jeediyay.

Halkan Hoose ka dhageyso Khudbadihii Odayaasha.

Loading...

1 COMMENT

  1. shirarka noocaan oo kale ah uma baahno GALMUDUG. galmudug waa dowladd dhameystiran, dowladaasi oo ah wadaag ama ka dhaxeyso shacabka degan gal-mudug oo dhan. hadii ay wax qaldamaan ama ay jirto cabasho, waxaa habooneyd iney u gudbiyaan DOWLADDA IYO MAAMULKA GALMUDUG STATE..SI XAL LOOGU HELO cabashada jirto.

    Beesha r. xaaji Saleebaan waxay ahayd ama ay tahay LAF DHABARTA GAL-MUDUG STATE, WAANA KU MAHADSAN YIHIN ARINKAASI.. SABABTOO AH WAXAY TANASUL SAMEYSAY BEESHA WAQTI AY XAALADU ADKEYD,.. AAD BAANA LOOGU BAAHNA GO’AANKAASI RUNTII, WAAYO HADII AAN TANAASULKAAS JIREEN WEY ADKAAN LAHAYD IN MAANTA MEESHA LA SOOGAAREY AY WAX SOO GAARAAN… (Beesha ) Waxay xaq u leedahay iney wax saxdo, sheegtana Wixii ay tabaneyso..! wax sheeg, wax sixid, iyo gudib cabasho ayaa muhiim ah Waqtigaan… Looma baahno tafaraaruq iyo kala qeybsanan aan wax badan u soo kordhineyn shacabka gal-mudug oo maanta u soo iftiimaayo ileyskii ( HORUMARINEED, DIB U DHISKA BUUXO & NABADGELYO KA HANA QAADO GAL-MUDUG OO DHAN )…

    BEESHA WAXAN UGA TAGI LAHAA ORAAHDAAN OO AH * HASHII BIL QADO BERI KUMA DARI WEYSO, SIDAASI DARTEED WAXAA DHOW WAQTIGII UMADDA SOOMAALIYEED U UU DI’I LAHAA ROOB AY KU DIIRSADAAN… WAQTAAN MID KA FIICAN AYAA IMAAN DOONA.. HORUMARKANA WAA DHOW YAHAY EE BAL SABARKA HA LA BADIYO – INSHA ALLAH

    Midnimo, Isku-tanaasul, Wax-wada Qabsi iyo Hami Horumarineed…GAL-MUDUG WAA GUUL NABADEED

    W.T.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here