Home Wararka Somaliya Galmudug Wasiir Fiqi oo Muqdisho Shir jaraa”I’d ku qabtay oo Soo Bandhigay Xoga...

Wasiir Fiqi oo Muqdisho Shir jaraa”I’d ku qabtay oo Soo Bandhigay Xoga Xasaasi ah

0

Wasiirkii hore ee wasaaradda Amniga ee maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Galmudug in uu abaabulaayo dagaallo ka dhan ah dadka shacabka ah ee kunool Magaalada Guriceel.

Waxaa uu sheegay wasiir Fiqi in aan marnaba la aqbali doonin in Madaxweynaha uu weeraro magaalooyin nabdoon oo ay ku sugan yihiin culimada Ahlusunna.

”Weerarka Guriceel lagu qaadayo waxa uu la mid yahay kii la doonayay in lagu qaado Saadaq John oo Shirkole degana la rabay in lagu soo qabto iyo kii marinaayo ee la doonayay in lagu sumcad dilo Madaxwaynihii hore ee dalka, Reer Guriceel waxa aan kula dardaarmayaa in ay ilaalsadaan culimadooda. Dagaalka Guriceel waa Mashruuc doorasho oo degaankaas galay guriceel ma joogaan cadaw.” Ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Waxaa kaloo uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ciidamo xoog leh ku daabushay magaalada Dhuusamareeb si ahlusunna weerar loogu qaado balse markii ay dagaalka kula jireen Shabaab in ay si weyn u diiday in ciidamo la keeno.

 

Ad
Previous articleMadaxweynaha Galmudug oo Maanta Qaabilay Wafdi uu Hogaaminaayay Taliyaha Ciidamada AMISOM (
Next articleCiidamada Ahlusuna oo isaga baxay Matabaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here