Home Wararka Maanta Al-Shabaab oo Shabeelada Dhexe ku dishay 10 qof oo shacab ah oo...

Al-Shabaab oo Shabeelada Dhexe ku dishay 10 qof oo shacab ah oo ay ku jiraan Dad waayeelo

0

In ka badan 10 qof o shacab ah ayaa ku dhintay, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar ay maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen duleedka deegaanka Nuur-Dugle shalay.

Dhowr qof oo waayeello ahaa ayaa la sheegey inay ka mid yihiin dadka ay Al-Shabaabku ku dileen deegaankaas, waxaana weerarkan uu dhacay Khamiistii. 

Xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee wax ka hoggaaminaya hawlgalada ka socda Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in Al-Shabaab ay toban qof oo shacab ah ku dishay tuulooyin hoostagga deegaanka Nuur Dugle ee gobolkaasi.

Xildhibaan Yaasiin Farey ayaa sheegay in Al-Shabaab ay weerartay fariisimo xoogaga deegaanka ku leeyihiin tuulooyinkaasi, islamarkaana ay iska caabin xoog leh kala kulmeen Macawiisleyda, sida uu yiri.

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya kuwa Macawiisleyda ayaa horaantii bishii hore ee November la wareegay deegaanka Nuur Dugle iyo tuulooyinka hoostagga.

Beesgiga Al-Shabaab ayaa loo arkaa mid laga leeyahay laba ujeedo, oo tan koowaad ay tahay ka aargudasho shacabka hubka u qaataan inay iska xorreeyaan, halkan tan labaadna ay tahay in lagu cabsi geliyo inay kuwa hor leh hubka qaataan. 

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Jaamacadii uu shalay ka Qalinjabiyay Lagu Magac Daray
Next articleAgaasimihii Wasaarada Arimaha Gudaha Galmudug oo La Afduubtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here