Home Wararka Maanta Alshabaab oo Weerar Culus ku qaaday saakay Degaan ka tirsan Gobalka Hiiraan...

Alshabaab oo Weerar Culus ku qaaday saakay Degaan ka tirsan Gobalka Hiiraan oo sanad ka hor laga saaray

0

Alshabaab ayaa saakay aroortii weerar Culus ku Qaaday Deegaanka Abooreey ee Gobalka Hiiraan Macawislayda Gobalka Hiiraan ayaase Dagaal iska caabin ah kala Hortagay alshabaab ayaa doonaayay inay qabsadaan magaalada abooreey oo sanad ka hor laga qabsaday.

dagaalkaan oo socda ku dhawaad saacad ayaa waxaa lagu jabiyay alshabaab oo ugu danbayn Dib ugu laabtay Halkii ay ka yimaadeen waxayna ka talaabeen dhanka wabiga oo markii hore soo mareen.

Gobalka Hiiraan ayaa ah Gobalkii ugu horeeyey ee Alshabaab ku bilaabay dagaal kaas oo ilaa hada inta badan ay maamulaan macawislayda Goblkaas Gaar ahaan Beesha Xawaadle.

dhan kale Gobalka galgaduud oo intabadan Ciidamad Xoogu kasoo baxeen ayaa la filayaa inay dib loogu celiyo waxaana socda dadaalo lagu xalinaayo cabasho ay qabaan Ciidanka oo gadood dartiis shalay uga soo baxay aagaga Galcad, ceeldheer, msagawaa iyo Budbud.

Ad
Previous articleSababta Keentay in Ciidamada Dowladu ka baxaan Galcad Budbud Masagawaa iyo Wabxo oo la Shaaciyay
Next articleMadaxweyne Ku Xigeenka Soomaaliland oo Si layaab leh uga Hadlay Wixii jimcihii ka Dhacay Goojacade

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here