Home Wararka Maanta Wasiirka Howlaha Guud ee Galmudug oo la Kulmay Safiirka Shiiranaha (Sawiro)

Wasiirka Howlaha Guud ee Galmudug oo la Kulmay Safiirka Shiiranaha (Sawiro)

0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-U-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Galmudug ee Soomaaliyeed Mudane Ahmed Dhiblawe Casir ayaa booqasho howleed ugu tegay safaaradda Shiinaha ee dalka Somalia si uu ula kulmo Safiirka u fadhiya Shiinaha Ambasadoor QIN JIAN xafiiskiisa Xalane, Mogadisho.

labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee Shiinaha, gaar ahaan dowladda Galmudug iyo sidii loo dardar gelin lahaa , isla markaana ay Dowladda Shiinaha kaalin mug leh uga qaadan laheyd horumarinta kaabayaasha Dhaqaalaha , Amniga iyo Arimaha Bulshada ee Galmudug.

Wasiirka Wasaaradda Mudane Casir oo ay wehliyaan lataliyeyaasha Wasaaradda iyo Engineero ayaa u gudbiyey baahidda kaabayaasha dhaqaale ee Dowlad Gobaleedka Galmudug. Xuseyna hashiisyadda wax ku oolka leh ee dhexmaray Dowladda Soomalia iyo Guud ahaaan geeska Afrika. Wasiirka ayaa ku nuux-nuuxsaday fursadaha maalgashi ee ka jira Galmudug ee dhanka Wadooyinka, Dekadaha, Airports, Warshadaha, Guriyeynta, Tamarta, Kaabayaasha (Shidaalka, Kalluumeysiga, Xoolo dhaqato Beeraleyda, biyaha IWM), iyo Kobcinta Xirfadaha Dadka iyo kor u qaadida deegaanka.
Ambasodoor QIN JIAN dhankiisa wuxuu uga mahad celiyey booqashadda Mudane Ahmed Asir ee Dowladda Galmudug iyo sida loogu baahan yahay dardar galinta xiriirada soo jireenka ah, dadaalna ku bixin doono isku xirka shirkadaha maalgashiga shiinaha iyo Dowoladda Galmudug.

Safiirka ayaa bogaadiyey qorshaha kaabayashaa ay Galmudug Usoo gudbisay sidoo kalena carabaabay in ay hore uga fuliyeen qaar kamid ah Maamul Goboleedyada Dalka.

Kulanka ayaa ku soo dhamaadey is afgarad iyo xoojinta xiriika laba dhinac.

Ad
Previous articleMaxaa ku dhacay Xubnihii Waday Mooshinka Madaxweyne Qoor Qoor
Next articleKongo oo xaqeejisay in Farmaajo uu dalbaday in la dhaxdhaxaadiyo Dowladda iyo Saamilayda (Akhriso)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here