Home Wararka Somaliya Galmudug Alshabaab oo Dib Uqabsaday Deegaano Ka Tirsan Galmudug oo Dhawaan laga Saaray...

Alshabaab oo Dib Uqabsaday Deegaano Ka Tirsan Galmudug oo Dhawaan laga Saaray iyo Cabsi ka Jirta Deegaano kale

0

Wararka ka imaanaya deegaannada Galmudug ayaa sheegaya in goobo ka mid ah kuwii Al Shabaab lagula dagaallamay, horena looga saaray ay iminka cabsi ka jirto, taasoo la xiriirta inay ku soo laabtaan ama soo weeraraan.

Deegaannadaas qaarkood ayey wararku sheegayaan in ciidanka dawladda, kuwa Galmudug iyo kuwa deegaanka uga baxeen sababo aysan maamulka Galmudug iyo dawladda federaalka sheegin.

Laakin qaar ka mid ah dadka xog-ogaalka u ah hawlgalladii deegaannadaas ka dhacay ayaa BBC u sheegay inay jiraan goobo ay ciidanka dawladda iyo kuwa Galmudug ka baxeen, kuwaasoo ay dib ugu soo laabteen dagaallamayaasha AL Shabaab.

Deegaannadaas waxaa ka mid ah aagagga Caad iyo Jeexjeexa oo dagaallo aad u kharaar ay ku dhex mareen ciidamada isla socda ee Galmudug iyo federaalka oo dhinac ah iyo Al Shabaab. Xataa deegaannada qaar waxaa dagaalladii ka dhacay ka qayb qaatay dayaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones).

Jeexjeexa ayaa ahayd halkii uu ku geeriyooday Suulnuug oo ka tirsanaa saraakiisha dawladda.

Sababta ay ciidanka dawladdu uga baxeen lama sheegin, laakin ciidanka dawladda ayaa sida ay BBC wararka ku helayso ka baxay deegaanka Caad, in yar ka dib markii Al Shabaab ay todobaadyo ka hor ku qaadeen weerar cag marin ah.

“Ciidanka dawladda ee Caad ku sugnaa waxay isaga tageen halkii ay joogeen wixii ka dambeeyey markii Al Shabaab ay dib u soo weerareen” ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka oo sheegay in ciidankaas ay u dhaqaaqeen dhinaca Shabeelow.

Ciidankii halkaa fadhiyey ayey wararku sheegayaan inay iminka ku sugan yimid tuulada Camaara, waxaana dadka deegaanku ay sheegayaan in aagaggii ay ka soo baxeen lagu arkay xubno Al shabaab ka tirsan.

Laakinse sarkaal ciidanka dawladda ka tirsan wuxuu BBC u sheegay Caad aysan joogin labada dhinac midkoodna, “hase yeeshee meesha ay cabsida ka jirto waa Camaara” ayuu yiri sarkaalkaas.

Sidoo kale maalmo ka hor ayaa hoobiyeyaal la rumaysan yahay in Al Shabaab ay soo rideen ay ku soo dheceen Camaara, halkaasoo ay ku dileen dad ay ka mid ahaayeen Lamaane is qabay.

Haddaba BBC waxay la xiriirtay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, kuwaasoo aan wax ka weydiinnay dhibaatada keentay in dib looga baxo deegaanadii Al Shabaab laga qabsaday.

Mid ka mid ah mas’uuliyiintaas ayaa BBC u sheegay in uu gaabis jiro “ habacsanaan way jirtaa, meelaha qaarna wan ka war qabnaa in Al Shabaab ay culays soo saareen, laakin waxaa xaqiiq a hin deegaanno badan laga saaray” ayuu yiri wasiir ku xigeenka warfaafinta ee Galmudug Xuseen Xirsi Faarax, ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulkaas.

Wuxuu intaa ku daray in maamulkooda ay ka go’an tahay inay dagaalka Al Shabaab sii wadaan “Deegaanno badan oo Mudug ka tirsan ayaa laga saaray Al Shabaab, waxaana hadda u ruqaansanaynaa in aan ka saarno laba deegaan oo ay kaga harsan yihiin gobolka galgaduud” ayuu yiri wasiir ku xigeenka. Ma uusan shegin sababta “habacsanaanta keentay”.

Deegaanno ay ka mid yihiin Camaara iyo Wisil ayaa waxaa ka jira cabsi ah in Al Shabaab ay mar kale weerar ku soo qaadaan haddii ciidanka jooga ay ka baxaan.

Al Shabaab ayaa weerarro ka gaystay goobo ay ciidanka dawladda iyo kuwa Galmudug ku sugnaayeen.

Dad xog ogaal ah waxay BBC u sheegeen in dib u soo laabashada Al Shabaab ay Timid wixii ka dambeeyey markii u madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ka soo laabtay Galmudug oo uu muddo bilooyin ah ku sugnaa, isagoo halkaa ka hogaaminayey dagaalkii kharaaraa ee ay dawladdu la gashay Al Shabaab.

Ad
Previous articleWaxa laga yaqaan askarigii fuliyay weerarka xerada Jenaraal Gordon ee lagu laayay saraakiisha Imaaraatka
Next articleDowlada Soomaaliya oo ka jawaabtay sheego cusub oo Somaliland ay ka sameysay maamulka hawada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here