Home Wararka Maanta Alshabaab oo Sheegay inay Dileen 29 Askari oo ka Mid ah Askartii...

Alshabaab oo Sheegay inay Dileen 29 Askari oo ka Mid ah Askartii lagu Soo Tababaray Dalka Ereteeriya

0

Kooxda Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay goordhoweyd ku sheegatay inay dishay 29 kamid ah askartii lagu soo tababaray dalka Eritrea ee dib loogu soo celiyay dalka.

Waxay sheegtay in askartaan ay ku dishay dabin xilli ay ku socdaalayeen duleedka deegaanka Daaru-nicma ee gobolka Shabeellaha Dhexe, maadama ciidamada kooxda ay ka warqabeen dhaq-dhaqaaqooda, sida lagu yiri bayaanka kasoo baxay kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa sida ay sheegtay kooxdu u socday howl-galo qeyb ka ah dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo ka socdo qeybo badan oo dalka ah.

Kooxda ayaa sidoo kale waxay sheegatay in askarta la dilay uu ku jiray taliyihii hogaaminayay, “Waxaa jira hub iyo saanad ciidan oo laga qaniimaystay,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay kooxda.

Waxa kale oo ay sheegtay kooxdu in ay sii wadi doonto waxa ay ugu yeerto “Jihaadka”, iyada oo bulshada ka dalbatay in ay ka fogaadan saldhigyada, xarumaha iyo xafiisyada dowladda ku leeyihiin degmooyinka iyo deegaanada kale.

Kooxda ayaa la ogyahay in weerarada iyo qaraxyada ay fuliyeen inta badan ay waxyeelo kasoo gaarto dadka shacabka, oo ayagu ah dhibanaha u weyn ee kooxda.

Marka laga soo tago sheegashada kooxda Al-Shabaab, illaa hadda majiro warar madax-banaan oo xaqiijinaya arrintaan. Kooxda ayaa marar badan guul ka sheegata dagaalka ay kula jirto dowladda

Ad
Previous articleMD Xasan Shiikh oo Kulan Laqaatay Madaxweynaha Dalka Kenya Arimo Muhiim ahna Kala Hadlay(Sawiro)
Next articleAskari ka TirsanCiidamada Dowlada oo Wiil Dhalinyara Si Bareee ah ugu Dilay Muqdisho Xili iskuul Ka Yimid

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here