Home Wararka Maanta Qoor Qoor oonAmar ku Bixiyay in La Hakiyo HowlahaCaadiga ah ee kasocda...

Qoor Qoor oonAmar ku Bixiyay in La Hakiyo HowlahaCaadiga ah ee kasocda Galmudug loona Jeesto Dagaal

0

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa caawa khudbad ka jeediyey munaasabad weyn oo loogu dabaal-degayo 17-sano guuradii ka soo wareegtay markii la aas-aasay dowlad goboleedka Galmudug, taas oo lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa caawa shaaciyey in Galmudug la geliyey xaalad deg deg ah, iyadoo la hakiyey howlihii caadiga ahaa ee hey’adaha maamulka, isagoo u jaheeyey dhanka dagaalka dhamaan howlihii maamulka.

Howlaha la hakiyey ee Madaxweynuhu uu xusay waxaa ka mid ah shirarkii iyo wax kasta oo shaqada caadiga ah ka mid ahaa, wuxuuna sheegay in masuuliyiinta maamulka oo dhan uu u jaheeyey dagaalka Khawaarijta.

Sidoo kale Madaxweyne Qoor Qoor ayaa farriin u diray dadka ku nool deegaanada ay Galmudug ka joogto kooxda Al-Shabaab, isagoo xusay inay diyaar yihiin ciidankii ka dul-qaadi lahaa kooxda.

“Waxaan ugu baaqayaa dadka ay Khawaarijtu heysato inay cabsida iska dhaafaan, nasrigu waa dhowyahay, ciidankii Qaranka ayaa idinku soo wajahan ee ka fogaada cadowga idin dhibaateeyey,” ayuu yiri madaxweynaha Galmudug.

Sidoo kale Madaxweyne Qoor Qoor ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh uga mahadceliyey muhiimadda uu siiyey Galmudug, isagoo ku faanay in Galmudug ay ugu horeyso dowlad goboleedyada dhul badan aysan ka heysan Al-Shabaab, taas oo suurta galisay in Madaxweynuhu uu soo dego.

Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh, madaxda ugu sareysa Galmudug, saraakiil uu ka mid yahay Taliyaha NISA Mahad Salaad, xildhibaano iyo wasiirro heer gobolka iyo heer federaal ah ayaa caawa ka soo qeyb galay munaasabadaan.

Munaasabadaan oo ka balaaran dabaal-degyadii horay uga dhici jiray Galmudug ayaa caawa ka socota Dhuusamareeb, waxaana soo buux dhaafiyey madaxda dowladda federaalka, maadaama ay ku wada sugan yihiin Dhuusamareeb.

Madaxda dowladda federaalka ayaa isugu timid Dhuusamareeb, waxaana halkaan ka socda abaabul dagaal oo aad u baaxad weyn, kaas oo Galmudug looga ciribtirayo Khawaarijta Al-Shabaab.

Munaasabadaan lagu xusayo sanad guurada 17-aad ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa sanadkaan ku soo aaday xilli ay Dhuusamareeb wada joogto madaxda ugu muhiimsan dalka.

Ad
Previous articleXasan shiikh oo shaaciyay Maamulka Ku xiga Galmudug oo Uu Dagi Doono Si uu Alshabaab uga Saaro
Next articleMaxay tahay sababta uu Sheekhan u diiday inuu isku mehriyo lammaane is guursanayay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here