Home galmudug Sawirro Dhalinyarada Dagmada Gaalkacyo Ee Galmudug Iyo Puntland Oo Si Wadajir Ah...

Sawirro Dhalinyarada Dagmada Gaalkacyo Ee Galmudug Iyo Puntland Oo Si Wadajir Ah U Fuliyay Olale Nadaafadeed

0
SHARE

Dhalinyarada  Degmada Gaalkacyo Ee Galmudug Iyo Puntland Ayaa Kulan Nadaafadeed Si wada jir ah uga Bilaabay Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug.

Inkabadan 200 oo dhalinyarada Labada Gabi ah ka kala Socota ayaa ka qeyb qaatay Kulanka Ololaha Nadaafadda Gaalkacyo oo qeyb ka ah Isdhex galka dhalinyarada Gaalkacyo waxayna muujiyeen In Gaalkacyo tahay mid qura,oo nabad ah aysana jirin wax colaad ah.

Dhalinyaraddaan Isdhex galka sameynaya waxaa hogaaminaya 14Guddi oo dhalinyarada labada gabi ah waxayna leeyihiin Gudoomiye,gudoomiye kuxigeen iyo xoghayn Waxaa xusid mudan in isbadal weyn oo dhanka nabadda ah laga dareemayo Gaalkacyo.

Dhalinyarada isdhex galka gaalkacyo waxaa garab taagan Maamulka Degmada Gaalkacyo ee Galmudug Iyo Puntland waxayna dhalinyaradaan oo warbaahinta la hadlay ay tilmaameen inay utaagan yihiin Nabadda Iyo Hormarinta Degmada Gaalkacyo

Hoos Ka Daawo Sawirada 

W/Q: Cabdalle Maxamed Cabdille Mudug24 Gaalkacyo

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here