Home Wararka Maanta Qarax khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho iyo Faahfaahino kasoo baxaya

Qarax khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho iyo Faahfaahino kasoo baxaya

0

Qarax nuuca miinada hoosta looga xiro baabuurta ayaa saakay ka dhacay agagaarka isgooska Siinay ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxa gaariga loogu xiray nin dhallinyaro ah oo xilligaasi watay.

Gaariga qaraxa lagu xiro oo ahaa nuuca raaxada ayaa waxaa watay nin dhallinyaro ah oo magaciisa lagu sheegay Abaas Daa’uud Xasan, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in ninkan uu ahaa sargaal ciidan oo katirsan dowladda.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa ayaa dhaawac waxa uu kasoo gaaray ninka gaarigiisa loogu soo xiray, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray oo baaritaano ka sameeyay ciidamo katirsan dowladda.

Qaraxyada baabuurta hoosta loogu soo xiro ayaa muddooyinkii dambe ku yaraaday magaalada Muqdisho, waxaana qaraxyadan inta badan waxyeelo kasoo gaartaa darawalka gaariga wada oo inta badan qaraxa lagu xiro hoostiisa.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo ku Wajahan Magaalada Xarardheere oo Wali Qoor Qoor Ku suganyahay
Next articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Kormeeray Xarumihii Dowlada ee Magaalada Xarardheere Xili Xasan Shiikh magaladaas ku Wajahanyahay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here