Home Wararka Maanta wararkii ugu danbeeyey Dadkii Xalay Ku Dhintay Qarxii Ka Dhacay Muqdisho oo...

wararkii ugu danbeeyey Dadkii Xalay Ku Dhintay Qarxii Ka Dhacay Muqdisho oo Kordhay

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xooggan oo fiidkii hore ee xalay ka dhacay xaafadda Ceelqaloow degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa Miino ayaa la dhigay goob ay ku caweeyaan dhalinyarada xaafadda, waxaana uu dhaliyay khasaare xooggan oo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac, sida mas’uuliyiinta degmada Wadajir ay ku waramayaan

Guddoomiyaha Waaxda Janeraal Daa’uud ee degmada Wadajir Cabdirisaaq Maxamed Dalxiis ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in qaraxa ay ku dhinteen 7 Ruux oo Shacab ah 5 kalena ay ku dhaawacmeen, isla markaana haatan ay baaritaano wadaan.

Waxa uu sheegay iney gurmad deg deg ah la gaareeen dadka waxyeelada gaartay oo ay ula carareen xarumaha caafimaadka, isagoo shacabka ugu baaqay iney si dhaw ula shaqeeyaa laamaha amaanka, si looga hortago falalka lidiga ku ah amaanka.

Si kastaba, Qaraxan ayaa kusoo beegmaya xili shalay ay xirnaayeen wadooyinka ugu muhiimsan caasimadda, maadaama Muqdisho lagu soo dhaweynayay ciyaartoyda 17 jirada ee ku soo guuleystay koobkii lagu qabtay magaalada Addis Ababa.

Ad
Previous articleCiidamo uu Hogaaminaayo Xildhibaan Xaadoole oo nolosha ku qabtay Rag ka Tirsanaa Alshabaab
Next articleGaadiid Dagaal iyo Ciidamo farabadan oo lasoo Dhoobay Magaalada Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here