Home Wararka Maanta Dowlada Turkey oo safiir cusub usoo magacowday Soomaaliya

Dowlada Turkey oo safiir cusub usoo magacowday Soomaaliya

0

Dowladda Turkiga ayaa safiir cusub usoo magacowday Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal ay faafisay wakaaladda wararka rasmiga ah Anadolu Agency.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu ayaa u magacaabay İbrahim Mete Yağlı, oo ah diblomaasi rug caddaa ah inuu noqdo safiirka Turkey u fadhin doono Muqdisho, isaga oo beddelaya Mehmet Yilmaz.

Mehmet Yilmaz ayaa ahaa safiirka Turkey ee Soomaaliya tan iyo bishii December ee 2018.

İbrahim Mete Yağlı, oo ah 60 jir, ayaa horey usoo qabtay xilal diblomaasiyadeed oo kala duwan, waxaana ugu dambeeyey inuu soo noqday safiirka Turkey ee dalka Botswana intii u dhaxeysay 2014 illaa 2019. Kahor, wuxuu 2010 illaa 2013 ahaa qunsulka guud ee Turkey ee magaalada Vienna ee dalka Austria. 

Safaaradad Turkey ee Muqdisho ayaa ah tan ugu weyn ee Turkey ay ku leedahay caalamka, waxaana Ankara ay taageero xooggan oo maaliyadeed iyo mid ciidan siisaa dowladda federaalka Soomaaliya.,

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kadib dib u doorashadiisa wuxuu Ankara booqday 6-dii July, isaga oo wada-hadallo la yeeshay dhiggiisa Turkey Recep Tayyip Erdogan

Waxaa xusid mudan in xiligaas uu Erdogan booqashada ku yimid Muqdisho ay ka jirtay xaalad adag oo bani’aadanimo ah, ayada oo caasimada dalku aheyd meel ka caagan booqashada Madaxda, islamarkaana ah “khad cas ah oo aan cidna tegin”.

“Caalamka oo dhan ayaa la yaabay markii ay arkeen Madaxweyne Erdogan iyo qoyskiisa, golahiisa wasiirrada iyo xildhibaanno socod ku maraya waddooyinka Muqdisho ka dibna booqasho iyo hoy ku jooga xeryaha barakacayaasha,” ayuu yiri madaxweyne Xasan. 

Ad
Previous articleDacwad lagu soo oogay Macalin Sweden u dhashay oo 15 Arday u soo bandhigay Galmo
Next articleDowladda Oo Soo Bandhigtay Goobo Muqdisho Ah Oo Shabaab La Damacsan Yihiin Weeraro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here