Home wararka Dalka Dowlada Qadar oo Safiir Cusub usoo Magacaawday Soomaaliya (Akhriso)

Dowlada Qadar oo Safiir Cusub usoo Magacaawday Soomaaliya (Akhriso)

1
SHARE

Wareegto maanta kasoo baxday Amiirka dalka Qatar Tamiim Bin Xamad Al-thani  ayaa loogu magacaabay Xasan Xamza Asad Haashim inuu noqdo safiir aan caadi ahayn oo dalka Qatar u qaabilsanaan doona Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qaraarkan ayaa dhaqan galaya isla maalinta la soo saaro oo ahayd maanta, wuxuuna ku soo beegmayaa iyadoo dhowaan la filayo inuu madaxweynaha Soomaaliya safar rasmi ah ku tago dalka Qatar.

Safiirka aan caadiga ahayn (Ambassador Extraordinary- سفيرا فوق العادة)   ayaa ah mid awood badan oo xaq u leh inuu heshiisyo ku geli karo dowladda uu metelayo, wuxuuna awood ahaan ka sareeyaa safiirada caadiga ah ee dalalkooda u fadhiya dowlaha kale.

Qatar ayaa ka mida dalalka Khaliijka ee ku loolamaya xaaladda Soomaaliya, waxaana dhowaan xumaaday xiriirka Imaaraadka iyo dowladda Soomaaliya, kadib markii shirkadda DP World ay heshiiska dekadda Berbera ku soo biirisay dalka Itoobiya.

Qatar ayaa lagu wadaa inay heshiisyo dhowr ah la saxiixato Soomaaliya, iyadoo kordhin doonta taageerada dhaqaale ee ay siineyso dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

1 COMMENT

  1. ( Turkey Taariikhda ayuu baal DAHAB ah ka galay, Halka Qadar-na aan u Aqoon-sadey walal QAALI ah)…

    Walalka-ka runta ah waa midka ku caawiya marka ay dunidda inteeda kale kaa Maqooshoo ku rumeysan weyso…

    Waxaan umadda Soomaliyeed u soo jeedinayaa Mashariicda Horumarineed ee dalka laga fulin-doono, waa la kala leeyahayoo, liiska waxaa loogu kala jiraa sidadan :-
    1. Turkey
    2. Qadar
    3. China
    4. Dubia – Sharuuda ku xiran Dalkaani waa ineysan umadda kala dhantaaline, dhinaca midnimadda iyo isku dhaweynta mujtamaca soomaaliyeed ka shaqeeyaan. lana ogaado Hadafka rasmiga ah iyo siyaasadda ay ka damacsan yihin Geeska afrika…S-O-M-A-L-I-A IS O-N-E
    A) KA NOQOSHO HESHISKA DP-WORLD EE DUBAI, IYO IN LOO MARO WADADDII SAXDA AHAYD IYADOO AAN LAGU XAD-GUDBIN XORNIMADDA, XUDUUDAHA, MIDNIMADDA IYO DOWLADNIMADDA UMADDA SOOMAALIYEED.
    B) IN MASHRUUCKASTA OO AY DALKA KA FULINAYAAN, HADA WIXII KA DAMBEEEYO U SOO MARAAN WADADA SHARICAGA AH.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here