Home Wararka Maanta UN Iyo AU Oo War Kasoo Saaray Mustaqbalka Ciidanka Burundi Ee Ka...

UN Iyo AU Oo War Kasoo Saaray Mustaqbalka Ciidanka Burundi Ee Ka Howlgala Soomaaliya Xili la bilaamay in Laga Saaro Soomaaliya

0

Wakiilada Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ku ammaanay ciidamada nabad ilaalinta Burundi dadaalka wanaagsan ee ay ka wadaan Soomaaliya.

Mohammed El-Amine Souef, Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), iyo Anita Kiki Gbeho, ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan kaalmada Qaramada Midoobay Soomaaliya, ayaa tusaale u soo qaatay in Burundi ay gacan weyn ka geysatay nabadda iyo xasilloonida Afrika, gaar ahaan Soomaaliya iyo Afrikada Dhexe.

Ciidamada Burundi ee qeybta ka ah ATMIS-ka ayaa Sabtidii ku biiray dalkooda si ay ugu dabaaldegaan 61-sano guuradii kasoo wareegatay markii ay ka xoroobeen gumeystaha.

Sam Okiding oo ah taliyaha ciidamada ATMIS ayaa sheegay in ciidamada Burundi ay door muhiim ah ka qaateen nabadeynta Soomaaliya iyo ilaalinta dadka rayidka ah ee ku sugan goobaha ay mas’uulka ka yihiin. “Ciidanka Burundi ee jooga Soomaaliya waxay safka hore kaga jiraan sidii nabad iyo xasilooni loogu soo dabaali lahaa meelaha ay mas’uulka ka yihiin, waxaana idinku bogaadinaynaa dadaalka naf-hurnimada leh ee aad muujiseen,” ayuu yiri Okiding.

Taliye ku xigeenka ciidamada ATMIS Marius Ngendabanka oo u qaabilsan dhanka Howlgalada iyo Qorshayaasha, kana soo jeeda dalka Burundi ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabaha ay ku biiriyeen ciidamada Burundi tan iyo markii ay Soomaaliya u soo direen sanadkii 2007-dii, waxa uuna ku celiyay sida ay uga go’an tahay geedi socodka nabadeynta.

Ngendabanka ayaa sheegay in ciidamada Burundi, ee hadda la geeyay Sector 5 ee Shabeellaha Dhexe, ay muujiyeen taageerada ay u hayaan dadaallada nabadda iyo xorriyadda Afrika, sidaas darteedna ay tusaale u yihiin dalalka kale ee Afrika.

Ad
Previous articleFaahfaahin ka soo baxaysa duqen Israa’iil ka gaysatay Xerada Jeniin ee Falastiin
Next articleAbaabul Dagaal oo ka bilowday Galmudug iyo Ciidanka Xoogga oo Weerar qaadaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here