Home wararka Dalka Dowlada oo Beesha Caalamka ka dalbatay in Faraha kala Baxaan Mooshinka Prof...

Dowlada oo Beesha Caalamka ka dalbatay in Faraha kala Baxaan Mooshinka Prof Jawaari..

1
SHARE

Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa fariin u diray Xubnaha Beesha caalamka inay faraha kala baxaan arrimaha u gaarka ah Xildhibaanada Soomaaliya.

Warar soo baxayay ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Beesha Caalamka faragelin muuqata ay ku hayaan arrimaha la xiriira Mooshinka laga keenay Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada saxiixay Mooshinka laga keenay Guddoomiye (Jawaari) ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Baarlamaanka la siiyo madax banaani ku aadan inay qabsadaan hawlahooda.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Xubnaha Beesha Caalamka ee ku sugan Soomaaliya looga baahan yahay inay fara kala baxaan arrimaha siyaasadeed ee maalmahaan ka dhex taagan Golaha shacabka.

Dhawaan ayay ahayd markii warqad ka soo baxday Beesha Caalamka baaq loogu diray Xildhibaanada Golaha Shacabka, baaqaasi oo ahaa in khilaafka siyaasadeed ee taagan lagu xaliyo hab sharci ah.

Loading...

1 COMMENT

  1. Xildhibaanadii dalkoo xaajadiinu la fahmi waayaye, ma xaalkiina waxa uu noqdey, idinkoo arkaayo Xaalka uu Dalku maraayo & Boobka loogu jiro Xoolaha Shacabka ( kheryraadka Dalka, Dekadaha, kaluunka iwm. ) ma inaad Waqti xaadirkaan ka bixi weydaan is xag-xagasho iyo xaajo aan dhamaad lahayn (Mooshin), Miyaan la oran karin Xil aad qaadaan iskaba daaye, Xaalkiinu waxa uu ku soo aruurey kana xoor, kaana xayuubi, kii aan fahmi weynaba xil- waa ka xaashaa lilaahi miyaadan xil u qaadan Umaddaan Soomaaliyeed ee Xaaladda aad aragtaan ku jira !!! Miyaadan ogeyn in Xabashi Ber bera Xayuubisay mar hore !!!

    Xal waa kii Alle, Bal ka xishooda umadaani xilka idiin dhiibatey ee wada xaajooda, xal-wanaagsana umaadani u horseeda

    JAWAARI WAA ODEY SOOMAALIYEED, EE HA LAGA LEEXDO BILAA CALEYK..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here