Home Wararka Maanta Qaramada Midoobay oo Ka Hadashay In Soomaaliya Ku Biirtay ururka Bulshada Bariga...

Qaramada Midoobay oo Ka Hadashay In Soomaaliya Ku Biirtay ururka Bulshada Bariga Africa ee EAC iyo Waxa ay ka Dhigantahay

0

Xaafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay ku biirista Soomaaliya ee ururka Bulshada Bariga Africa ee EAC, iyaga oo ku tilmaamay ‘guul kale oo u soo hoyatay wadadii ay Soomaaliya dib ugu soo noqon lahayd meeqaamkeedii saxda ahaa ee beesha caalamka.

“Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ugu hambalyaynaysaa dowladda iyo shacabka Soomaaliya ku biiritaanka rasmiga ah ee dalkoodu uu ku biireen Bulshada Bariga Afrika.” ayaa lagu yiri qoraal kusoo baxay barta rasmiga ah ee X ee xaafiiska Qarmada Midoobay ee Soomaaliya.

“Waa guul kale oo u soo hoyatay waddadii ay Soomaaliya dib ugu soo noqon lahayd meeqaamkeedii saxda ahaa ee beesha caalamka iyo xiriirka ay la leedahay dalalka deriska la ah. Hambalyo!’ ayuu raaciyay bayaaka Qarmada Midoobay.

Soomaaliya ayaa ku guuleysatay xubinnimada ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo shalay ay si rasmi ah ugu biirtay, sida lagu shaaciyey kulan ka dhacay magaalada Arusha ee dalka Tanzania oo xarun u ah ururka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu dadaal ku bixinayey tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada dalladan,” maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa.”

Soomaaliya ayaa noqoneysa dalkii 8-aad ee xubin ka noqda ururka EAC, waxayna ku biireysa Burundi, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, Kenya, Rwanda, South Sudan, Uganda, aiyo Tanzania.

Ku biirista Soomaaliya ee Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika ayaa ah mid ay faa’iido weyn ka heli doonaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada Soomaaliyeed, kuwaasi oo ay kamid yihiin;

1. Fursad ganacsi iyo suuq weyn oo ay ka faa’iideystaan dadka Soomaaliyeed.

2. Isu socodka bulshada ku mideysan EAC, iyagoo aan u baahneyn dal ku gal. Sidoo kale helitaanka Baasaboorka Bulshada Bariga Afrika.

3. Ganacsatada Soomaaliyeed oo sharci buuxa u helaya ganacsiga iyo hantida ka jirta dalalkaasi, dadkeenuna ugu ganacsadaan walwal la’aan.

4. Soomaaliya waxa ay heli doontaa fursado ay badeecadda ugu iib-geeyaan dalalkaas, oo aan canshuur kale laga rabin.

5. Xaquuq ganacsi iyo mid bulsho oo heer gobol ah.

6. Ganacsatada Soomaaliyeed oo iyagu isaga kala gooshi doona dalalka qeybta ka ah Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika.

7. Kobaca dhaqaalaha oo ay Soomaaliya ka helayso suuqa weyn ee EAC.

8. Iskaashiga khuseeya siyaasadda, ammaanka, difaaca, dhaqaalaha, dhaqanka, tiknoolajiyadda iyo sharciga.
Ad
Previous articleGudoomiye Madaale oo Lacag Badan ugu Deeqay Xaawo Cabdullahi oo Wali ku Xiran Xabsiga Guriceel
Next articleXasan Shiikh Maxamuud oo Baarlamaanka Hortiisa kaga Hadlay Xiisada Ka Taagan Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here