Home Wararka Maanta Madaxweyne Biden oo Booqasho deg deg ah Ku Tagay Dalka Ukrain(Sawiro)

Madaxweyne Biden oo Booqasho deg deg ah Ku Tagay Dalka Ukrain(Sawiro)

0

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Joe Biden ayaa booqasho lama filaan ah oon horey loo shaacin ku tagay dalka Ukraine, waxa uuna kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha dalkaasi Volodomyr Zelensky.

Joi Biden ayaana gaaray magaalada Kyiv ee caasimadda u ah Ukraine, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay oo kulamo kula qaatay madaxweynaha dalka Ukraine iyo masuuliyiin kale oo dalkaasi katirsan.

Madaxweynaha Ukraine Zelensky ayaa qoraal uu soo saaray kusoo dhaweeyay booqashada uu madaxweynaha dalka Mareykanka kusoo gaaray Kyiv, waxa uuna xusay in booqashadan muujineyso taageerada Mareykanka u hayo dalkiisa.

“Madaxweyne Biden kusoo dhawow Kyiv, booqashadaada waa inoo muhiim waa astaan muujineysa taageerada aad u heyso dhammaan reer Ukraine” ayuu yiri Madaxweynaha dalka Ukraine.

Dalka Ukraine ayaa galay xaalad adag kaddib duullaankii ciidamada Ruushka ku qaadeen dalkaasi, waxa ayna Ukraine raadineysaa taageero caalami ah si ay isaga difaacaan duullaanka dowladda Ruushka.

Ad
Previous articleNin Dil u geestay Adeerkiis Hooyadii qabi jiray iyo Nin kale oo Dilka la fuliyay oo xukun Adag lagu riday
Next articleSheekh Shariif oo kahor yimid Qorshe uu Damacsanyahay Madaxweyne Xasan Shiikh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here