Home wararka Dalka Munaasabad Lagu Soo Bandhigi Lahaa Waxqabadka Ra’iisul Wasaare kheyre Oo La Baajiyay...

Munaasabad Lagu Soo Bandhigi Lahaa Waxqabadka Ra’iisul Wasaare kheyre Oo La Baajiyay Ka Dib Markii La Waayay Cid Kasoo Qeyb Gasha

0
SHARE

Caawa ayaa qorshuhu ahaa in Munaasabad lagu soo badhigi lahaa waxqabadka Mudadii ay jirtay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre  lagu qabanto howlka Sahal oo ku dhow Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee M/Muqdisho balse ay baaqatay.

Munaasabadaas ayaa waxaa lagu Casuumay Masuuliyiin  isugu jiray Xildhibaano,Wasiiro,Siyaasiyiin iyo boqolaal kale oo marti sharaf ah laakin loo baajiyey sababo la xiriira khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Ra’iisul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la sheegay in uu ku wargeliyay ra’iisul Wasaare Kheyre  in munaasabada dib loo dhigo maadaama ay ku soo beegantay xili ay jiraan xiisado siyaasadeed

Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa ka soo horjeestay soo jeedinta Madaxweynaha ee ku aadan joojinta xafladan,isaga oo ku adkeystay in ay dhaceyso munaasabada.

Saraakiil ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya ayaa Dalsan u xaqiijiyay in Madaxweyne Farmaajo uu ugu dambeyn kulan saacado qaatay ku qanciyay Ra’iisul Wasaare Kheyre in la baajiyo munaasabada,iyada oo howlka ay diyaar ku ahaayeen inta badan Martidii ka qeyb gali laheyd iyo sidoo kale Bahda Saxaafadda oo qalabkii ay wax ku tabin lahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here