Home Wararka Maanta Wararkii Ugu danbeeyey Ku Dhawaad 10 qof oo Alshabaab Xalay Ku Dileen...

Wararkii Ugu danbeeyey Ku Dhawaad 10 qof oo Alshabaab Xalay Ku Dileen Muqdisho Xilli Amniga Caasimadu Faraha Kasii baxaaayo

0

Waxaa xalay weeraro khasaaro badan oo dhimasho ah dhaliyay ka kala dhaceen xaafado katirsan magaalada Muqdisho, waxaana weeraradan intooda badan lagu beegsaday goobo lagu isticmaali jiray maan-dooriyaha.

War kasoo baxay Al Shabaab laguna baahiyay warbaahintooda ayey ku sheegeen in howlgalo xalay ka fuliyeen xaafado katirsan degmooyinka Yaqshiid iyo Hiliwaa ku dileen rag katirsanaa ciyaalka weerada iyo sidoo kale kuwa burcad ahaa.

Weerarka koowaad ayaa la sheegay in Al Shabaab ka fuliyeen xaafada Cali Turcaaye, waxa ayna weerareen goob la sheegay in maan-dooriyaha lagu isticmaalayay, waxa ayna goobtaasi ku dileen afar nin oo ay sheegeen in ay ahaayeen ciyaal weero iyo tuugo.

Xubno katirsan Al Shabaab ayaa sidoo kale weerar ku qaaday goob kale oo kutaalla xaafada Godey ee degmada Yaqshiid, waxaana goobtaasi iyana lagu dilay saddex nin oo Shabaab sheegeen in ay ahaayeen burcad iyo ciyaal weero.

Al Shabaab ayaa sidoo kale xalay weeraro kale ka fuliyay xaafado katirsan magaalada Muqdisho, waxa ayna weeraradan ku beegsadeen goobo ay sheegeen in lagu isticmaali jiray waxyaabaha maanka-dooriya ayna joogeen ciyaal weero iyo burcad.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo ku Wajahan Magalada Kismaayo+Sababta
Next articleLabo tareen oo fooda isku Dhacay iyo dadka badan 30 oo ku dhintay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here