Home galmudug Hobyo oo lagu qabnayo Xaflada Dhameestirka Qeybta labaad ee Dhismaha Wadada Gaalkacyo...

Hobyo oo lagu qabnayo Xaflada Dhameestirka Qeybta labaad ee Dhismaha Wadada Gaalkacyo iyo Hobyo..

0
SHARE

Waxaa lagu guuleestay dhameestirka wadada isku xirta Gaalkacyo iyo hobyo Qeybteeda 2 aad kadib mudo dhoor sano oo ay socotay.

Gudiga Gob ayaa hada safaro ku kala bixiyay wadamada Caalamka si ay markale u soo aruuriyaan lacagta loogu tala galay in lagu bilaabo qeybta 3 aad ee dhismaha oo qaban qaabadeeda socoto.

Mashruuca lagu dhisayo wadada ayaa guuleestay waxana laga gudbay guud ahaan meelaha ugu adkaa ee la dhisayay.

Gudiga ayaana sheegay in dhawaan xaflad lagu qabandoono magaalada Hobyo taasi oo lagu shaacinayo dhameestirka Wajiga 2 aad iyo bilaabida Qeybta 3 aad.

Guud ahaan shacabka Galmudug ayaa amaan u jeediyay Gudiga Gob qaabka wanaagsan ay u maareeyeen mashruuca dhismaha.

inta uu socday dhismaha qeybta 2 aad waxay Gob ka qeyb qaadatay dayactirka Wadooyin dhexmara Hobyo oo markii hore adkeyd in la isticmalo.

Hadaba xagee laga bilaabayaa qeybta 3 aad lasoco

Mudug24 Gaalkacyo

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here