Home wararka Dalka Deg Deg Sarkaal Sare Oo Goordhow Lagu Dilay Magaalada Muqdisho Iyo Faah...

Deg Deg Sarkaal Sare Oo Goordhow Lagu Dilay Magaalada Muqdisho Iyo Faah Faahino Laga Helayo

0
SHARE

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya caawa xaafada Macalin Nuur ee degmada Dharkeynley koox ku hubeysan Bastoolado ayaa halkaasi waxa ay ku toogteen Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidanka Millitariga Soomaaliya.

Dableyda oo dadka degaanka ay ku sheegeen laba dhalinyaro ah oo hubeysnaa ayaa waxa ay beegsadeen sarkaalkan, isaga oo ku jiray xarun Ganacsi oo uu ku lahaa xaafada Macalin Nuur, isla goobta ayuuna ku geeryooday.

Raggii dilka geystay oo la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab ayaa goobta ka baxsaday, kadib markii ay gaareen dantii ay lahaayeen oo aheyd in ay dilaan Sarkaalkan.

Hay’adaha ammaanka ayaa xaqiijiyay dilkan, waxayna sarkaalkan magaciisa ku soo koobeen Yuusuf, kaasi oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo tagay goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxa ay halkaasi ka qaadeen Meydka Marxuum Yuusuf, iyaga oo ula dhaqaaqay xarunta Dambi baarista e CID-da.

Dilalka qorsheysan ayaa muddooyinkan dambe Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka yaraa, sababo ku aadan Koontaroolada ciidanka ee baarista oo aad loo badiyay.

Ururka Al-Shabaab ayaa Magaalada Muqdisho ku beegsada Askarta, Saraakiisha ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno kale, shalay oo ugu dambeysay xaafada Taleex ee degmada Hodan waxaa lagu dilay Nabadoon Axmed Cabdulle Jimcaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here