Home Wararka Somaliya Axmed Madoobe oo Shaaciyay in NISA iyo Al Shabaab isku milmeen digniina...

Axmed Madoobe oo Shaaciyay in NISA iyo Al Shabaab isku milmeen digniina u diray Xildhibaanada

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho ammaankeeda uu faraha kasii baxay ayna ka dhacayaan dhacdooyin badan oo halis iyo cabsi gelin ah.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Muqdisho hadda tahay meel aan la kala saari Karin Hay’adaha amniga gaar ahaan kuwa NISA iyo dagaalyahanada Al-shabaab isla markana ay si weyn iskugu milmeen .

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in wax lala yaabo ku noqotay in hay’addii Nabad Sugida ee looga fadhiyay wax ka qabashada ammniga in ay soo saarto warqad ayna tiraahdo Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha nin baa isku qarxinaya.

“Billaahi Caleykum, Ciidan Qaran oo Nabadsugid ah oo amniga mas’uuliyiinta oo dhan saaran tahay in inta warqad soo qaraan oo ay dhahaan Madaxweynaha & Ra’iisul Wasaaraha Nin Hebel iyo hebel la yiraahdo ayaa isku qarxinaya, ceebta ka dhacday waxa ay ahayd kuwii ay ku sheegayaan ayaa xitaa yiri qofkaas ma naqaan” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Jubbaland ee tagaya magaalada Muqdisho in ay ka taxadaraan amnigooda, waxa uuna xusay in suurto gal tahay in aragtidooda loo beegsan karo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in sannado kahor marka uu imaanayo magaalada Muqdisho horey usoo wadan jiray afar askari oo dhar cad ah halka hadda isaga oo 100-askari wata xitaa uusan kalsooni badan qabin sidoo kale tegi karin meel kasta oo Muqdisho kamid ah.

Hadalkan kasoo yeeray Madaxweynaha Jubbaland ayaa kusoo aadaya xilli magaalada Muqdisho ka jirto cabsi amni ayna sheegtay wasaaradda amniga in ay magaalada ka dhici karaan weeraro halis ah.

Ad
Previous articleXaafada Ka Mid ah Magaalada Muqdisho oo Amni Daro looga Barakacay
Next articleMidowga Musharixiinta Uu Ka Digay Maalinta 12ka april ee La Hadal Haayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here