Home Wararka Somaliya Somaliland Wararkii Ugu Danbeeyey Beelaha Ciise iyo Gadabuursi oo go’aan culus ka soo...

Wararkii Ugu Danbeeyey Beelaha Ciise iyo Gadabuursi oo go’aan culus ka soo saaray qorshaha Muuse Biixi ee badda

0

Odayaasha iyo Waxgaradka beelaha Ciise iyo Gadabuursi ayaa si wadajir ah u qabtay shir Jaraa’id oo heshiiskii uu badda ku saxiixay Muuse Biixi ay uga hadleen, sidoo kale waxay iclaamiyeen shirweyne looga arrinsanayo heshiiskii Itoobiyaanka lagu siiyey qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya.

Odayaasha mid mid warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay inay Muuse Biixi uusan iibsan karin badda Soomaaliya ee Somaliland un uu burbur u horseedayo, iyagoo si cad u sheegay in aysan jirin wax la yiraan qaran Somaliland ah.

“Anagoo ah beelaha Ciise iyo Gadabuursi waxaan qaba doonaa shir balaaran oo aayo ka tashi ah, waqti dhow ayuu dhici doonaa ee diyaar haloo sii noqdo, waxaan ka hadli doonaa badda Soomaaliya, gaar ahaan dhulka ay degaan labadaan beelood oo la sheegay in Muuse gatay,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha.

Oday kale ayaa yiri, “Nin dhan oo umadda Somaliland ay masiirkooda ku aamintay ayaa na yiri waxaan aqoonsi siistay badiinii, laakiin waxaan u maleynayaa badaan ma iibi karee inuu Somaliland burbur u horseedi doono Muuse.”

Sidoo kale odayaasha ayaa farriin u diray golaha guurtida Somaliland oo madaxweynaha ku taageersan qorshaha uu badda ku iibsanayo, iyagoo wacad ku maray in dhulkooda aysan marnaba Xabashidu u soo dhawaa doonin inta mid ka nool yahay.

“Waxaan leenahay Muusow masiirkii umadaan waad baabi’isay, nin nin aaminaya maanta ma jiro, marka hadda kadib Isaaq ayaa tahay, wax Somaliland la dhahana ma jiraan,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii sida adag u hadlay.

Odayaasha qaar ayaa ku qeylo dhaamiyey in ninka badooda iibsaday uusan waxba u reeban, waxay si cad u sheegeen in badda Soomaaliya qeybta ay ka degan yihiin aysan iib aheyn, cid aan labada beelood aheyna aysan u soo dhawaa doonin.

“Ciidan Itoobiya ka yimid ayaa halkaan imaa doonin, badeenu iib maaha, arrintaan wixii ka dhashana masuuliyadeeda Muuse Biixi ayaa qaadanaya, sidaas ayey ku balameen labada beelood, waxaana isku dhaarsanay difaaca dhulka iyo badeena,” ayuu yiri oday kale oo goobtii la isugu yimid ka hadlay.

Ugu dambeyntii odayaasha ayaa farriin u diray beelaha kale ee dega Somaliland, waxay ugu baaqeen inay ka midoobaan xadgudubka Muuse Biixi uu ku iibsaday badda, iyagoo wacad ku maray xitaa hadii beelaha kale ay ka aamusaan in aysan arrintaas aqbali doonin, hadii wax kasta loo sheego.

Muran culus ayaa ka dhashay heshiiskii qar iska tuurnimada ahaa ee Muuse Biixi uu 1-dii Janaayo Itoobiyaanka ugu saxiixay qeyb ka mid ah badda Soomaaliya, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qaaday dagaal diblomaasiyadeed oo culus, kaas oo natiijo fiican ay ka gaartay.

Horay dowladda federaalka ayaa beelaha dega dhulka uu Muuse iibsanayo ugu dhiira gelisay inay dhulkooda difaacdaan, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu wacad ku maray in taako ka mid ah badda iyo beriga Soomaaliya meel kasta oo ay tahay aysan Itoobiya ama dal kale qaada doonin.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Dalka ka Mamnuucday Bacaha Qaar
Next articleXabsi la,aan ka Jirta Soomaaliya Xili lawayay Meel lagu Xiro Askarta Fanbiikayaasha iyo Alshabaab ka Lasoo Qabto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here