Home wararka Dalka War Deg Deg ah AMISOM oo shaacisay in Ciidamada La Geeyay Xarunta...

War Deg Deg ah AMISOM oo shaacisay in Ciidamada La Geeyay Xarunta Baaralamaanka uu Dalbatay Gudoomiye Jawaari

1
SHARE

Howlgalka AMISOM ayaa Goor dhaw Xaqeejiyay in Ciidamada La geeyay Xarunta Golaha Shacabka uu Dalbaday Gudoonka Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari.

Afhayeenka AMISOM oo Waraysi Siiyay Idaacada BBC ayaa Xaqeejiyay in Ciidamo Ka Tirsan amisom ay Gacanta ku Hayaan Xarunta Hoose ee Baaralamaanka Soomaaliya.

Waxaa Ku sugan Baaralamaanka oo Amniga Sugaya Ciidameena, NISA iyo Boliis, ayuu Yiri Afhayeenka AMISOM.

Ila Hog Ogaal ah ayaa Goor Sii Horeesay Noo Xaqeejiyay in Dalabaad uu gudbiyay Jawaari lagu Keenay Ciidamada Amisom Xarunta Golaha Shacabka

Loading...

1 COMMENT

  1. Kheyre cadaw isagaa isugu filan. Mar uu cadawga Xabashida u dhiibo geesigii, gobannimo u dirirki ahaa Cabdikariim Qalbi dhagax, mar uu weeraro Cabdiraxmaan Cabdishakuur, dadna ku laayo, mar uu weeraro Cabdi Qeybdiid, mar uu abaabulo qaraxyo, isagoo lagu xanto inuu hoosta kala xiriiro kuwo hunguriyeynayo shidaalka, gaaska iyo kheyraadka Somalia (SOMAOIL & GAS), etc.

    Haddana inqilaab cad buuba keenay oo waa kuu ciidamo kula wareegay Xaruntii iyo saldhiggii Barlamaankii umadda Soomaaliyeed. Malaha aqoonta sharciga ayaa ku yar oo maba dareensana inuu dalka iyo sharcigaba ka galay khayaanada ugu weyn (high treason).

    Waxaa kale uu Kheyre galay dembiga ah: iskuday waxyeelleyn nidaamka taagan AMA “attentato all’ordine stabilito” ama ingiriis ahaan “attempts against the established order”.

    Inta aan wax kale loo gudbin, waa in Kheyre lagu oogaa dembigiisa ah “high treason” oo ka dhashay isku daygiisa uu isku dayay inuu inqilaabo, xoogna kula wareego awoodda qaranka Soomaaliyeed.

    Nasiib darro, Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Somalia, Axmed Cali Daahir, ma aha shaqsi ay ku weyn tahay waddaninimo Soomalliyeed. Waa Itoobiyaan u adeega Addis Abeba. Waa shaqsigii madaxa ka ahaa Maxkamadda Sare ee Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya. Dano Xabashiyeed iyo adeeg jaajuusnimo ayaa loo keenay ruuxan oo waxaa keenay Gabre.

    Somalia waa dal nasiib daran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here