Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweyne Xasan Shiikh oo Shaaciyay in Hogaankii Dagaalka Galmudug uu ku wareejiyay...

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Shaaciyay in Hogaankii Dagaalka Galmudug uu ku wareejiyay Qoor Qoor Xili uu kasoo Guuray dhuusamareeb

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar shaqo ugu amba-baxay dalka Ereteriya oo ay tababar gaar ah ku qaadanayaan qaar ka mid ah qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida. Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, Kor u qaadidda iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo amniga Gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya ahmiyada ay leedahay hirgalinta qorshaha muddo kooban dalka looga sifeynayo Alshabaab ayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Abdi Kaariye u xil saaray dardargelinta iyo hagida halganka Alshabaab looga ciribtirayo deegaannada Galmudug.

Hadalkaan ayaa Kusoo adaaya Xili Madaxweyne Xasan Shiikh uu Dhuusamareeb ku sugnaa Ku dhawaad 60 Maalmood Taas oo Wali aan alshabaab laga Qabsan Dhul Wayn.

Qorshaha Xasan Shiikh ayaa ahaa in Mudo kooban Galmudug Alshabaab looga Saaro Balse ma Suurtagalin lama Oga In Xasan Shiikh uu Dib ugu soo laaban Doono Galmudug iyo inkale.

 

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Alshabaab oo Dagaal Culus ku dhexmaray Jilib
Next articleWar Deg Deg ah: Dalxiisayaal u dhashay Israa’iil oo lagu dilay Masar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here