Home Wararka Maanta Xildhibaan Xaadoole oo fariin ka soo diray degaanka Shalay laga xoreeyay Al-Shabaab...

Xildhibaan Xaadoole oo fariin ka soo diray degaanka Shalay laga xoreeyay Al-Shabaab ee shabeelada Dhexe

0

Xildhibaan Cusmaan Xaadoole oo ka mid ah masuuliyiinta maanta hoggaamineysa howlgalkii Shabeellada Dhexe ayaa warbaahinta kula hadlay degaanka Nuur-dugle ee hoos taga degmada Aadan-Yabaal.

Xildhibaan Xaadoole ayaa sheegay inay maanta Al-Shabaab ka xoreeyeen deegaano badan oo dhaca inta u dhaxeysa degaanka Masaajid Cali-Gaduud iyo degmada Aadan-Yabaal.

Xildhibaanka oo halkaas warbaahinta kula hadlay ayaa fariin u diray Al-Shabaab, isagoo ku goodiyey in aysan ka hari doonin kooxda, inta ay joogaan dhulka ay degto beesha uu ku metelo baarlamaanka.

Xildhibaan Xaadoole ayaa kooxda ugu baaqay inay dadkooda ku soo laabtaan oo waxay wadaan joojiyaan, hadii aysan isisoo dhiibin, wuxuu ku goodiyey in meel kasta ay uga daba geli doonaan.

Sidoo kale dadka ku nool deegaanada ay Al-Shabaab ka joogaan Sh/Dhexe ayuu Xildhibaan Xaadoole ugu baaqay inay kooxda iska dulqaadaan oo fursadaan ay ka faa’iideystaan.

Dhowr deegaan ayaa oo hoos taga degmada Aadanyabaal ayaa maanta laga xoreeyey Al-Shabaab, waxaana howlgalkaas hoggaaminaayey Xildhibaan Cusmaan Xaadoole, Xildhibaan Yuusuf Kabaale iyo guddoomiye Abshir Kaaraan.

Ad
Previous articleCiidamadii fashiliyay Weerar ismiidaamin ahaa Masajidka Caligaduud oo abaalmarin la siiyay (Sawirro)
Next articleisqabqabsi Xoogan ee ka dhalatay diyaarad gargaar sidda oo ay Kenya u dirtay Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here