Home wararka Dalka C/raxmaan Cabdishakuur“ Mooshinka Laga Keenay Gudoomiye Jawaari Waxaa Laga Soo Abaabulay Villa...

C/raxmaan Cabdishakuur“ Mooshinka Laga Keenay Gudoomiye Jawaari Waxaa Laga Soo Abaabulay Villa Soomaalia

0
SHARE

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee sida aadka ah u dhaliila Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay mooshinkii laga gudbiyey gudoomiyaha Golasha Shacabka soomaaliya.

Siyaasiga ayaa sheegay in mooshinka Jawaari ka hor ay jireen dagaalo lala galay Madaxda Maamul goboleedyada ,Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada qaar ee Golaha Shacabka,isaga oo ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan Madaxda dalka ugu sareysa.

“Mooshin laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa la sheegay in uu jabay. Madaxtooyada Soomaaliya waxay Dagaalka siyaasadeed ka soo bilawday in xilka laga tuuro madaxda maamul goboleedyada. Waxaa ku xigey Xildhibaanada oo Xaasanada laga qaado, madaxda Xisbiyada oo xabad iyo xarig lagu dayo. Wuxuu haatan marayaa gudoomiyaha Baarlamaanka. Su’aashu waxay tahay yaa ku xiga?. Waxaa muuqata Villa Somalia in ay xasiloonida ka door bideyso xasarad siyaasadeed”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here