Home wararka Dalka Xubnaha Aqalka Sare oo isku qilaafay Xeerka lagu Mamnuucayo DP world..

Xubnaha Aqalka Sare oo isku qilaafay Xeerka lagu Mamnuucayo DP world..

1
SHARE

Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa maanta lahaa ka doodista xeerka ay Golaha shacabka maalinti isniinta  ahayd dalka kaga mamnuuceen Shirkadda DPWorld ee Imaaraadka.

Senatorada ayaa yeeshay doodii ugu kululeyd ee looga hadlayo arinta shirkadda DPWorld waxaana ay qaateen saacidihi ugu badnaa ee ay kaga doodayeen xeerka uga imaaday Golaha shacabka.

Kulanka Aqalka sare ayaa markii uu furmay waxaa Senatorada ay soo jeedinayeen qaarkood talooyin ku aadan in Goluhu asyan ansixin xeerkaas si waqti loosiiyo in ay uga soo talo bixiyaan.

Waxaa kale oo xusid mudan in xubnaha qaar ay soo jeediyeen in ka meelmariyo oo la ansixiyo hase ahaatee waxaa ay ahayd dood kulul oo aan dhana loo ridi kari.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa sheegay in kulanka Waqtigiisu uu dheeraaday, waxaana uu tilmaamay in maalmaha soo socda ayaa sii wadi doonaan ka doodista.

Shalay ayay ahayd markii xubnaha Golaha Aqalka Sare loo qeybiyay xeer dalka looga mamnuucayo shirkadda DPWorld oo ay soo gudbiyeen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

1 COMMENT

  1. Dabcan mudanayaasha Aqalka Sare caadifad kuma shaqeeyaan iyo seef-la-boodnimo. Waxay garanayaan in waxa la isku hayaa aysan aheyn deked qalad lagu kireeyay bal la isku khilaafsan yahay sida loo kala qeybsaday LAALUUSHKA.

    Farmaajo ayaan “ducadii” uu ka soo qaaday Imaaraadka,( labadii jeer uu tegey dalkaas tegey sannadkii la soo dhaafay), aan qeyb ka siim Kheyre oo isna xanaaqay oo tegey Imaaraadka isagoo careysan.

    Imaaraatkku waa ay ka sii jeensadeen Kheyre, bacdamaa ay laaluushkiisii hore uugu sii dhiibeen Farmaajo. Aw Armaajo ayaa “ducadii” keligii ku tegey. Khere sidaas buu ku qaday.

    Kheyre oo aan dheg la qabto laheyn ayaa Xamar ku soo laabtay.
    Isla markiiba wuxuu weeraray heshiiskii lala galay DP World.

    Golaha Shacabka oo aan xaalka hoos u fahminna, qaraar lagu degdegay bay soo saareen oo ay ku burrinayaan heshiiskii DP World.

    Aqalka Sare wuxuu garansiisan yahay in aan carada lagu raacin Raiisulwasaare Kheyre. WAA ODAYAAL RUUGCADDAA AH OO WAX BADAN ADDUUN SOO DHAQAY.

    “HADDII AAN WAAYAY QEYBTII AAN KU LAHAA XAQAL QALAM,
    HADDII AAN WAAYAY QEYBTII AAN KU LAHAA “DUCADII” IMAARAATKA,
    HADDII AAN WAAYAY QEYBTII AAN KU LAHAA LAALUUSHKII AY IMAARAATKU BIXIYEEN, OO UU I QADIYAY AW ARMAAJO, ANIGUNA WAXA OO DHAN IYO HESHIISKA DP WORLD AYAAN LAAD KU ARFACAYAA.

    SIYAASADDA ARRIMAHA DIBEDDA IYO AWOODDA XEER DEJINTA BARLAMAANKA (AQALKA SARE) LAGU MA SALEYN KARO DAGAAL KA DHEX QARXAY TUUGO KU DAGAALLAMEYSA QEYBSIGA LAALUUSHKII IMAARAATKA.

    Somalia Allaha u soo daahiriyo madax waddani ah oo hufan.

    Kuwan hadda joogaa waxay raadinayaan xoogaa kuus lacag ah oo ay la cararaan oo ay kula tuntaan Mareykanka (Farmaajo) amaba Norway (Kheyre).

    AQALKA SARE AYAA ARRINKA AAD U FAHMAY.

    WAA RA’YIGEYGA. ADNA KAAGA KA HADAL EE ANIGA HA IGU MASHQUULIN.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here