Home galmudug Maamulka Galmudug oo digniin u jeediyay Maleeshiyo isbaaro dhigtay Duleedka Cadaado..

Maamulka Galmudug oo digniin u jeediyay Maleeshiyo isbaaro dhigtay Duleedka Cadaado..

0
SHARE

Taliye ku xigeenka saldhigga Booliska degmada Cadaado ee xarunta Baarlamaanka Galmudug Gaashaanle Cumar Macalin Cali  ayaa si kulul uga hadlay Jidgooyooyinka si sharci darrada ah loo soo dhigay deegaanada maamulkaasi.

Cumar Macalin Cali ayaa sheegay in aysan u dul qadaan doonin in dadka shacabka lagu dhibaatooyo gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Waxaana uu dIgniin u diray Maleeshiyaadka IsbaarooyinKA dhigta gobolladaasi, isaga oo carabka ku dhuftay in ay ka hortagi doonaan, islamarkaana ay ka qaadi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan.

Ciidamada Galmudug ayaa maalmihiin la soo dhaafay howlgallo ka dhan ah Isbaarooyinkaasi ka waday deegaanada Galmudug, iyagoo shalay Cagta mariyay Jidgooyo cusub oo la soo dhigay duleedka  magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here