Home wararka Dalka Akhriso Sidee lagu ridi karaa Guddoomiye Baarlamaan ?

Akhriso Sidee lagu ridi karaa Guddoomiye Baarlamaan ?

0
SHARE

Mooshinka Jawaari laga gudbiyay ayaa weji cusub gelinaya marxaladaha looga bartay Mooshinada oo markii hore looga bartay in Ra’iisul Wasaare laga keeno.

Ma Sahlana in la rido Guddoomiye Baarlamaan, marka loo eego ridista Ra’iisul Wasaare.

In Guddoomiye Baarlamaan Mooshin laga keeno waxay u baahan tahay saxiixa Xildhibaano gaaraya 94 Xildhibaan, waa saddex meel labo meel tirada looga baahan yahay in Mooshinka lagu aqbalo.

Sidoo kale waxaa xilka looga qaadi karaa Guddoomiye Jawaari 184 cod oo qarsoodi ah, halka Ra’iisul Wasaarena ay kalsoonida kala noqon karaan 139 cod oo ah gacan taag.

Sidaas oo ay tahay in la rido Guddoomiye Baarlamaan waxay u baahan tahay juhdi iyo dadaal badan, sida Olole Doorasho Madaxweyne oo kale.

Haddaba hadii lagu dhiirado in Guddoomiye Baarlamaan la rido, taas macnaheeda waa in lagu dhiiran karo in Madaxweyne isna la rido, marka loo fiiriyo awoodaha dastuurka oo ay si isku mid u leeyihiin marka ay timaado shuruudaha mooshinka looga keeni karo Guddoomiye Baarlamaan iyo Madaxweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here