Home Wararka Maanta 14 Website oo kooxda Al-Shabaab lahayd oo Dibada laga Soo Xiray

14 Website oo kooxda Al-Shabaab lahayd oo Dibada laga Soo Xiray

0

Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Soomaaliya ee NISA ayaa shaacisay inay dibadda ka soo xirtay 14 Website oo kooxda Al-Shabaab ay ku faafi jirtay wararkooda, kuwaas oo sanad ka hor laga xiray dalka.

NISA waxay sheegtay inay dabagashay oo soo heshay xogta iyo magacyada milkiilayaasha ku diiwaan gashan Websiteyadaas, iyadoo ugu dambeyntii la xiray, taas oo ka dhigan in xiligaan aysan jirin mareeg baahisa macluumaadka Khawaarijta Al-Shabaab.

“Howlgalkaan oo isugu jiray uruurinta mareegaha, baaritaankooda, helidda magacyada milkiilayaasha ku diiwaangashan iyo ugu dambeyntii xiritaankooda ayaa socday bilihii lasoo dhaafay, waxaana lagu guuleystay in hawada laga saaro barahaan oo la diiwaan geliyey sanado kala duwan,” ayaa lagu yiri warka NISA.

Waxaa qoraalka hey’adda lagu sheegay in adduunka oo dhan laga mamnuucay Website-yaan 14-ka ah ee lagu baahi jiray wararka iyo afkaaraha guracan ee kooxda Al-Shabaab.

“Websiteyadaan waxaa booqashadooda laga mamnuucay adduunka oo dhan, waxaana markii ugu horeysay oo la qaaday tallaabo noocaan oo kale ah, waxayna barahaan soo jireen muddo dheer, sida ku cad magacyadooda iyo taariikhaha la aas-aasay,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Sidoo kale NISA waxay shaacisay in la helay xogaha dadkii sameeyey Websiteyada la xiray, kuwaas oo macluumaadkooda lala wadaagay hey’adaha amniga ee wadamada ay ku noolyihiin.

“Intii ay socotay howsha lagu ciribtirayo Website-yada Khawaarijta waxaa la helay liiska dadkii diiwaan-geliyey, kuwaas oo isticmaalay kaararka wax lagu iibsado, waxaana lala wadaagay hey’adaha amniga ee dalalka ay ku nool yihiin,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay NISA.

Ugu dambeyntii qoraalka hey’adda NISA waxaa lagu yiri, “Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu guuleysatay inay booqashada mareegahaan ka joojiso gudaha dalka, waxaana sharciga lala tiigsan doonaa cid kasta oo lagu helo inay argagixisada u diiwaan-gelisay Website.”
Ad
Previous articleHadalkii Ilhaan Cumar ee xiisadda badda oo Xiisad ka Abuuray Maraykanka
Next articleBeesha Darood oo Aan Wax Wasiir ah ku lahayn Xukumada Soomaaliya iyo Xadan Shiikh oo loogu Baaqay inuu soo Magacaabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here