Home galmudug Madaxweyne Xaaf” Si KMG ah ayuu Baaralamaanka Galmudug ugu Shaqeyn Doonaa Cadaado

Madaxweyne Xaaf” Si KMG ah ayuu Baaralamaanka Galmudug ugu Shaqeyn Doonaa Cadaado

0
SHARE

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa Sheegay in Baarlamaanka Galmudug uu Ku sii Shaqeyn Doono Xaruntiisii Hore ee Cadaado.

Xaaf wareysi uu siiyay raadiyaha Codka Gobolada Dhexe ee ku yaala Magaalada Cadaado ayuu ku sheegay in xarunta Baarlamaanka uu ku shaqeynayo ay tahay Magaalada Cadaado.

Madaxweynaha ayaa sheegay in magaalada dhuusamareeb lagu dhameystirayo hishiiskii iyo qodobo lagu soo galay Dalka  jabuuti islamarkaana si dhaqso ah loogu guuri doono Cadaado si uu Baarlamaanku ugu shaqeeyo.

Madaxweynuha ayaa waxa uu intaas raaciyay in ay jiraan shaqsiyaad Dan gaar ah leh oo doonaya kala qaybsanaanta Galmudug waxa uuna ugu baaqay Reer Cadaado in ay isdajiyaan.

Arinkaan ayaa yimid Xili  madaxweynuhu oo Shalay booqday Xarunta  gudiyada ka shaqeynaya  dastuurka, waxa uuna ugu baaqay in la dardargaliyo dhameystirka dastuurka si loo gudagalo howlaha dhameystirka maamulka

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here