Home Wararka Maanta Ra’isul Wasaaraha dalka Haiti Ariel Henry oo ka badbaaday isku day Sil

Ra’isul Wasaaraha dalka Haiti Ariel Henry oo ka badbaaday isku day Sil

0

Ra’isul Wasaaraha dalka Haiti Ariel Henry, ayaa ka bad baaday shirqool la doonayay in lagu dilo xili uu ka qeyb galayay munaasabadda xuska xorriyadda dalkaasi oo ka socotay kaniisad kutaala magaalada Gonaives.

Burcad hubeesan ayaa weerar ku qaaday rasaasna ku faray banaanka kaniisada ay ka socotay munaasabada uu ka qeyb galayay Ra’isul Wasaaraha dalka Haiti , waxaana mar qura lagu kala cararay goobta ay munaasabadda ka socotay.

Warbaahinta iyo baraha bulshada ayaa lagu baahiyay Muuqaal muujiyay Ra’isul Wasaare Henry iyo kaaliyaashiisa oo u ordaya gaadiidkooda, xilli ay rag hubeysani rasaas ka ridayeen bannaanka kaniisadda.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha dalka Haiti ayaa lagu sheegay in Henry uu ka bad baaday isku day la doonayay in lagu dilo, waxaana weerarkaasi xukuumada ku eedeesay in ay maleegeen burcad argagaxiso ah.

Madaxweynihii dalka Haiti ayaa horey loogu dhax dilay gurigiisa kadib markii weerar qorsheesan ku qaadeen calooshood u shaqeesayaal u dhashay dalka Colombia iyo kuwa heestay dhalashada dalka Mareykanka.

 

Ad
Previous articleHaweeneey ku Dhashay Suuli Diyaaradeed ka dibna Qashinka Ku Dartay
Next articleShirkii Golaha Wadatashi Qaran oo Maalintii Labaad kasocda Magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here