Home Wararka caalamka Ra”isul Wasaaraha Dalka Falastiin oo Isku Day Dil Ka Bad baaday

Ra”isul Wasaaraha Dalka Falastiin oo Isku Day Dil Ka Bad baaday

0
SHARE

Ra’isalwasaaraha Maamulka Falastiin  Raami Xamdalla ayaa ka badbaaday isku day dil kaddib markii Kolonyo uu la socday Qarax ku qabsaday Degaanka Beytal Xanuun ee Sohdinta ku yaalla.

Wafddiga Ra’isalwasaaraha ayaa ku sii jeeday gudah Magaalada Gaza,iyada oo weerarkaasi ay ku dhaawacmeen qaar ka mid ah xubnaha Wafddiga Ra’isalwasaaraha Falastiiniyiinta.

Madaxa Sirdoonka Falastiin Maajid Faraj ayaa ka mid ahaa xubnaha Wafddiga,lamana sheegin in uu dhaawacmay iyo in kale.

Daqiiqado kaddib Ra’isalwasaaraha aya aka soo muuqday TV-ga isaga oo ka qeybgalayay munaasibad xarigga looga jarayay goob laga qoday ceel biyaha laga cabo.

Ururka Fatax ee uu hoggaamiyo Maxamuud Cabbaas ayaa weerarkaas ku tilmaamay mid argagixiso,waxaana ay ku eedeeyeen Ururka Xamaas,iyada oo sheegay in weerarkaasi uu meel ka dhac ku yahay dhamaan heshiisyadii nabadeed ee u dhaxeeyay labada Urur.

Madaxa Warfaafinta Ururka Fatax Munir al-Jaghoub,ayaa sheegay in ay sugayaan jawaabta Ururka Xamaas ay ka bixiyaan weerarkaas haddii kalena ay ka dhigantahay in ay iyaga mas’uul ka yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here