Home Wararka Maanta Ciidanka Booliiska Somaliland oo warbixin ka soo saaray wiil xalay lagu dilay...

Ciidanka Booliiska Somaliland oo warbixin ka soo saaray wiil xalay lagu dilay magaalada Hargeysa

0

Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa warbixin ka soo saaray wiil xalay lagu dilay magaalada Hargeysa.

Marxuum Nimcaan Maxamed Cumar oo 23 jir ahaa ayaa xalay midi lagu dilay, sida lagu sheegay warbixinta booliska.

Abshir Saleebaan Xuseen oo 17 jir ah ayaa lagu eedeeyey dilka marxuumka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay booliska Somaliland.

Sidoo kale warbixinta booliska waxaa lagu sheegay inay gacanta ku soo dhigeen eedeysanaha, kaas oo hadda ku jira xabsiga Hargeysa.

Inta u dhaxeysa magaalooyinka Wajaale iyo Gabiley ee Somaliland ayaa laga soo qabtay eedeysanaha oo baxsad ah, sida uu shaaciyey boolisku.

Eedeysane Abshir Saleebaan Xuseen ayaa doonayey inuu gudaha u galo dalka Itoobiya, sidoo kale afar eedeysane oo kale ayaa loo soo qabtay dilka Marxuum Nimcaan Maxamed.

Ragga afarta ah ayaa la sheegay inay eedeysanaha koowaad ka gacan siiyeen dilka uu geystay, isla markaana lasoo qabtay dhamaantood.

Taliska Booliska Somaliland ayaa qoraalkaan ku balan qaaday in eedeysanaha koowaad iyo afarta kale ee dilkaas ku gacan siisay deg deg loo hor geyn doono maxkamadda awooda u leh kiiskaan.

Ugu dambeyntii booliska Somaliland ayaa digniin u diray qof kasta oo ku howlan qalqal gelinta amniga, iyagoo balan qaaday inay gacan bir ah ku qaba doonaan qof kasta oo ku xadgidba amniga muwaadiniinta.

Ad
Previous articleWasiir Israa’iili ah oo soo jeediyay in nukliyeer lagu garaaco Qasa oo tallaabo laga qaaday
Next articleGantaallo Xamaas ku ridday dhanka Israa’iil oo argagax ku abuuray malaayiin Israa’iiliyiin ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here