Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheikh oo la Kulmay Safiirka Kenya ee Soomaaliya (Sawiro)

Madaxweyne Xasan Sheikh oo la Kulmay Safiirka Kenya ee Soomaaliya (Sawiro)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah la qaatay Safiirkii Dowladda Kenya u joogay dalkeenna Mudane Lucas K. Tumbo  oo dhammeystay muddo xileedkiisa diblomaasiyadeed ee uu uga howl-gelayey dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Danjire Lucas K. Tumbo uu ka howlgalayey gudaha dalka muddo dheer, taas oo ka dhigan in uu wax badan ka fahmay hiddaha iyo dhaqanka wanaagsan ee shacabka Soomaaliyeed oo ku saleysan iskaashi, is-ixtiraam iyo daris wanaag oo dhammaantood jihaaye u ah dowladnimada iyo diblumaasiyadda Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Danjire Lucas K. Tumbo ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran iyo garab istaagga ay u muuniyeen, waxa uuna tilmaanay dadaalka uu ku bixiyey xoojinta xiriirka soojireenka ah ee ka dhaxeeya Labada shacab.

DHAMMAAD

 

Ad
Previous articleFahfaahin: Wararkii ugu dambeeyey hoobiyeyaal lagu weeraray xarunta madaxtooyada
Next articleP.M Xamza oo shaaciyey Qodabada ay xukuumadiisu Xooga saareyso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here