Home Wararka Somaliya Odayaasha lagu Xir Xiray Cadaado oo la geeyay Caasimada Galmudug ee Dhuusomareeb,...

Odayaasha lagu Xir Xiray Cadaado oo la geeyay Caasimada Galmudug ee Dhuusomareeb, Sawiro

0

Saldhiga Booliska magaalada Dhuusamareeb waxaa lagu xirxiay odayaal laga soo qaaday degmada Cadaado oo ka soo jeeda beesha Saleebaan kuwaasoo lagu eedeeyey iney heshiis la soo saxiixdeen Al-shabaab.

Odayaashan ayaa la filayaa in loo gudbiyo maxkamad, iyadoo loo cuskaday inay jabiyeen digniin ay hore ay u soo saartay dowlada Federaalka iyo Galmudug oo ku aadaneyd inaan lala macaamili karin al-shabaab oo dagaal adag lagula jiro.

Raggan odayaasha ah oo ka kooban saddex nin ayaa iyagoo metelaya beesha Cadaado waxay heshiis la galeen Al-shabaab, kaasoo la xiriiray in Al-shabaab ay sii daayaan rag iyo gaadiid ay beeshu leedahay oo u xiran, taas bedelkeedna ay beesha Saleebaan joojiso dagaalka ay kula jirto Al-shabaab, kana soo horjeesato dowlada Somalia.

Madaxweyne Qoorqoor oo odayaashan heyb wadaag la ah ayaa dhowaan amar ku siiyey ciidamada Galmudug iney soo xiraa meel kastoo ay ku arkaan si sharciga loo hokeeno.

Suldaanka beesha Saleebaan ayaa beeniyey in Al-shabaab ay la galeen heshiis nabadeed, isagoo xusay in heshaiiska la shaaciyey ay Al-shabaab la galeen odayaal aan taageero ka heysan beesha, wuxuuna xusay in iyaga iyo Al-shabaab ay ka dhexeyso xabad oo kaliya.

Ad
Previous articleIlhaan Cumar oo si Weyn loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Muqdisho, Sawiro
Next articleGalmudug oo war kasoo saartay Odayaasha lagu xir xiray Magaalada Cadaado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here