Home wararka Dalka Maamulka Hirshabeelle Oo Xabsiga Dhigay Qaar Ka Mid Ah Ganacsatada Magaalada Jowhar

Maamulka Hirshabeelle Oo Xabsiga Dhigay Qaar Ka Mid Ah Ganacsatada Magaalada Jowhar

0
SHARE

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle waxaa maanta oo Axad ah lagu xir xiray Ganacsato caan ah oo ka mid ah kuwa Bakhaarada waa weyn ku leh degmadaasi.

Ciidamada Booliska Maamulka Hirshabeelle ayaa Ganacsatadan ka soo qabtay Kontoroolka Galbeed ee magaalada, xilligasi oo ay ku sii jeedeen degaanka Gamboole oo Shabaab ay ku sugan yihiin, waxayna dhigeen xabsiga dhexe ee magaalada.

Ganacsatadan ayaa la sheegay in ay u yeereen Shabaabka ku sugan degaanka Gamboole, oo ku taalla Maxkamad Shabaab ay leeyihiin, balse Ciidamada oo ka war helay arrinta Ganacsatada ayaa ka daba tagay raggan soona qabtay.

Dhowaan magaalada Jowhar waxaa lagu xiray Ganacsato xoolaha Iibisa oo 20 gaareysa, kuwaasi oo u Maxkamd doontay Shabaab, balse wada hadal kadib waala sii daayay markii dambe.

Maamulka Hirshabeelle ayaa horey u amray inaan Maxkamad loo aadi karin dhulalka ay joogaan Shabaab, welina waxaa jira dad Shabaab u Maxkamad doonta, shacabka waxay noqdeen kuwo ku jahwareersan sida ay wax u socdaan.

Degaanka Gamboole ayaa la rumeysan yahay inay xilligan xarun u tahay Al-Shabaab, waxaana dadka ku nool Jowhar iyo hareerihiisa ay u aadaan arrimo dacwo la xiriira dhul, iyo arrimo kale, halkaasi oo ay ku taalo maxkamad ay leeyihiin Al-Shabaab oo dacwadaha qaada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here