Home Wararka Maanta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka oo xaadiray...

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka oo xaadiray kulankii maanta ee golaha, isaga oo ka hadlay arrimo xasaasi ah

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed , ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa xaadiray kulankii maanta ee golaha, isaga oo ka hadlay arrimo xasaasi ah.

Sheekh Shariif ayaa ugu horreyn ka sheekeeyay dadaalladiisii ku aadanaa dib u heshiisiinta uu ka dhex sameeyay beelihii ku dagaalamay gobolka Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan degmooyina Raage-Ceelle iyo Cadale.

Waxa uu tilmaamay in dhib badan kadib ay ku guuleysteen, isaga, mas’uuliyiintii iyo odayaashii la socday inay arrinta ku soo dhammeeyaan wadahadal iyo deganaan, la’iskuna keeno dhinacyada dagaalmay.

Shariif waxa uu intaasi kusii daray in colaad beeleedyada ay ku lug leeyihiin Al-Shabaab oo uu xusay in dano gaar ah ka leedahay isku dirka beelaha.

“Arrimaha culayska dadka ku haayo waxaa kamid ah in weli argagixisada ay saameyn ku leeyihiin beelaha dhexdooda, maxaa yeelay muddo dheer ayay dhex joogeen” ayuu yiri.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa soo hadal qaaday howlgallada culus ee haatan ka socda dalka, isla-markaana ay hormuud u tahay dowladda federaalka.

Madaxweynihii hore ayaa shaaca ka qaaday inuu boggaadinayo guulaha ay ciidamada huwanta kasoo hoyeen howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka.

“Waxaan boggaadinayaaa ciidamada geesiyaasha ah ee wada howlgallada xoereynta, runtii waxay hayaan shaqada adag” ayuu mar kale yiri madaxweynihii hore ee dalka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dalka uu ka socdo guluf culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ad
Previous articleMaxkamadda gobolka Galgaduud oo maanta qaaday tallaabo culus oo ay ku faragelineyso xiisadda siyaasadeed ee ka qaraxday Qoor Qoor iyo ku Xigeenkiisa
Next articleGabadha Soomaaliyeed ee qurbaha ku kortay ee waddan ku yaalla yurub ka noqotay gabyaaga sanadkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here