Home Wararka Maanta Ciidanka Amniga Muqdisho oo dhalinyaro Ciyaal weero ah ka qabqabtay Muqdisho Xili...

Ciidanka Amniga Muqdisho oo dhalinyaro Ciyaal weero ah ka qabqabtay Muqdisho Xili Alshabaab ay Dilal Ku Bilaabeen Ciyaal weerada (Sawirro)

0

Ciidamada Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee Duufaan  iyo Ciidamada Booliiska ayaa xalay holwgallo qorsheysan ka fuliyay xaafadaha degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, halkaasoo maalmihii ugu dambeysay ay falal amni darro ka dhacayeen.

Inta uu howlgalku  socday ayay ciidamada ku beegsadeen guryo lagu tuhmayay inay ku sugan yihiin Kooxo Ciyaal weero ah iyo kooxa kale oo burcad ah kuwaasoo dhibaata u geysan jiray dadka shacabka ah ee dagan degmada karaan isla markaana ay ciidamda gacanta ku soo dhigeen.

Taliyaha Ciidamada Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Gobolka Banaadir Muxudiin warbac oo howlgalka qeybka ahaa ayaa kormeeray Goobaha ay howlgallada ka socdeen, isaga oo Ciidamada ku bogaadiyay xaqiijinta amniga.

Howlgalkaan Ciidamada Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee Duufaan iyo  Ciidamada Booliska ka sameeyeen degmada Kaaraan ayaa ahaa mid salka ku hayay xaqiijinta amniga degmada oo maalmihii danbe falal amiga lidi ku ah ay ka dhacayeen.

Howlgalkan ayaa ku soo beegmay xili Al-shabaab ay magaalada Muqdisho ka bilaabeen howlgalo qarsoodi ah oo lagu ugaarsanayo kooxaha ka ganacsada Maandooriyaha iyo ciyaal weerada, waxayna dileen dhowr qof oo ka mid ahaa kooxahaas.

Ad
Previous articleSoomaali ka badbaaday doonidii lagu le’day ee ku degtay xeebaha Talyaaniga (Sawirro)
Next articleP.M Xamse Cabdi Barre oo daah-furay Imtixaan ay ka qeyb galayaan 8000 kun oo Macalin(Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here