Home Wararka Maanta Mahad Salaad oo Ka Hadlay Dilka yaab ka lahaa Ee Loo Gaystay...

Mahad Salaad oo Ka Hadlay Dilka yaab ka lahaa Ee Loo Gaystay Taliyihii NISA ee Gobalka Gedo

0

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada, saraakiisha, xubnaha Hay’adda iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka shahiiiday Marxuum Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Bakaal Kooke) oo ahaa Taliyihii NISA ee gobalka Gedo, kaas oo ku geeriyooday Qarax ka dhacay duleedka degmada Luuq.

“Bakaal wuxuu shahiiday isagoo xaqa ku taagan, naftiisana u hibeeyay sidii dalka iyo dadka looga dulqaadi lahaa cadowga Khawaarijta ah.” ayuu yiri Taliyaha NISA.

Taliye Mahad Salaad ayaa amray qaybaha baarista ee hay’adda in baaritaan dhab ah lagu sameeyo kiiska geerida Taliye Bakaal. Wuxuu sidoo kale sheegay in howlgallada dalka looga ciribtirayo Khawaarijta laguna bartilmaameedsanayo horjoogayaasha Khawaarijta uusan joogsan doonin xanuun kasta oo soo gaara geesiyaasha u taagan difaaca dalka iyo dadka.

Ad
Previous articleQOOR QOOR oo ku Wajahan garowe si uu ugu Biiro Osbahaysiga Looga Soo Horjeedo ee Madaxweyne Xasan Shiikh
Next articleSomalia oo geeska Afrika ku meteleysa shirka caalamiga ah ee GPE (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here