Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Ciidamadda Gorgor Oo Shabaab Kala Wareegay Deegaano Dhowr Ah Oo Ka Tirsan...

Ciidamadda Gorgor Oo Shabaab Kala Wareegay Deegaano Dhowr Ah Oo Ka Tirsan Gobalka Sh.Hoose

0

Ciidamadda Gorgor gaar ahaan guutada 14-ka Oktoobar ayaa deegaano dhowr ah kala wareegay kooxda Al-Shabaab oo ka tirsan gobolka Sh.Hoose.

Deegaanada ay la wareegeen ciidamadan ayaa kala ah; Jowhar awdheegle, Ay-Buutey, Gumeysidiid, Kali caafimaad iyo Buulo-naagey, kuwaas oo kala hoostaga degmooyinka Awdheegle, Janaalle iyo deegaanka Nambar konton ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida safaakiisha hoggaamineysa ay sheegeen.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa sidoo kale tilmaamay iney ku daba jiraan Shabaabkii isaga baxsaday deegaanadan, waxeyna tilmaameen ineysan kasoo hari doonin inta kooxdan gobolka guud ahaan laga xoreynayo.

Waxa ay sidoo kale tilmaameen iney burburiyeen Kontoroollo iyo Maxkamado ay shacabka ku baadi jireen kooxda Shabaab oo ay ku lahaayeen dhulka howdka ah ee gabaadka ugu jireen, shacabka ayey ku amaaneen kaalintooda ciribtirka kooxdan.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa bilowday wajiga labaad ee gukufka ka dhanka Shabaab, qorshaha wuxuu yahay in wajigan labaad kooxda looga saaro meelaha ay ka joogaan maamulada Jubaland iyo Koofur Galbeed.

Ad
Previous articleJubaland oo uu ka bilowday Dagaalka Wajiga Labaad ee Alshabaab Soomaaliya looga saaraayo
Next articleWararkii Ugu danbeeyey Dagaal culus oo dib uga qarxay Khartuum iyo Xabbad joojintii oo bur burtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here