Home wararka Dalka Ciidamo Qaas ah oo Ka Tirsan Kumaan dooska Soomaaliya oo La Wareegay...

Ciidamo Qaas ah oo Ka Tirsan Kumaan dooska Soomaaliya oo La Wareegay Maxkamada Shabaab ee Sh/dhaxe

0
SHARE

Wararka ka imaanaya gobalka Shabeelaha dhexe ayaa soo sheegaya in saakay Aroortii Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Kuwa Kumaan Dooska Loo yaqaan ay Al-Shabaab kala wareegeyn deegaanka Gamboole ee duleedka magaalada Jowhar.

Ciidamada DANAB oo markii ugu horeysay fariisin ka sameestay Shabeelaha dhexe ayaa saakay aroortii hore weerar ku qaaday deegaanka Gamboole oo ay saakay shabaab kula balansanaayeen Ganacsatada magaalada Jowhar kuwaas oo ay Al-Shabaab kala hadli rabayn Arimo la xariira Canshuur ay Shabaab ka doonayaan Ganacsatada.

Deegaankaan ayaa la Rumaysan yahay in Alshabaab ay Ku La haayeen Xarunta Maxkamada Ee Sh/dhaxe, Halkaas oo ay Dacwadaha ku Qaadi jireen.

Ma Jiro Faah faahin Kale oo Ka Madaxbanaan Dowlada oo ku Aadan Sheegashada ay La Wareegeen Deegaankaan ka Tirsan Sh/dhaxe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here