Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Ciidamada Danab Iyo Booliska Hirshabeele oo ku Dagaalamay Jowhar

Wararkii ugu Danbeeyey Ciidamada Danab Iyo Booliska Hirshabeele oo ku Dagaalamay Jowhar

0

Ciidamo ka kala tirsan Danab iyo Booliska HirShabeelle ayaa shalay maqribkii ka hor ku dagaalamay gudaha magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka HirShabeelle.

Dagaalkaan ayaa bilowday kadib markii ciidamada booliska HirShabeelle ay weerar ku qaadeen askar ka tirsan ciidamada Danab oo degan banaanka magaalada Jowhar.

Booliska HirShabeelle ayaa la sheegay inay dileen hal askari oo Danab ah iyo qof shacab ah.

Sidoo kale waxay dhaawaceen askari kale, warar soo baxayana waxay sheegayaan in askar kale ay nolosha ku wateen ciidamo ka tirsan booliska HirShabeelle.

Dagaalka ayaa ka bilowday kadib markii ciidamada Danab ay rasaas ka dhex rideen magaalada Jowhar, sidoo kale booliska ayaa dhowr mar ka dalbaday Danab inay joojiyaan xabadaha ay ka dhex ridayaan magaalada.

Ciidamada Danab oo degan banaanka magaalada ayaa la sheegay inay dhowr mar magaalada ka dhex rideen xabado, taas oo boolisku ka carooday.

Ma jirto cid ilaa hadda faahfaahin ka bixsay isku dhaca ciidan ee laga soo weriyey magaalada Jowhar ee caasimada HirShabeelle.

Jowhar ayaa ka mid ah magaalooyinka ay saldhigga ku leeyihiin ciidamada Danab, booliska HorShabeelle oo la sheegay inay weerareen ciidamada Danab ayaan weli ka hadlin arrintaan.
Ad
Previous articleAskar lagu eedeeyey Fulaynimo oo kasoo muuqday Maxkamad ku Taal Muqdisho
Next articleWar Deg Deg ah: Dagaal Culus oo ka Socda Airport-ka Magaalada Jowhar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here