Home Wararka Maanta Golaha wasiirada Soomaaliya oo yeeshay kulan Xasaasi ah oo looga hadlay...

Golaha wasiirada Soomaaliya oo yeeshay kulan Xasaasi ah oo looga hadlay arrimo xasaasi ah laguna ansixiyay heshiisyo cusub oo ay soo gashay dowladdu

0

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah, laguna ansixiyay heshiisyo cusub oo ay soo gashay dowladdu.

Inta badan xubnaha golaha wasiirada ayaa goobjoog ahaa kulankan, waxaana lagu soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo warbixino lasoo bandhigay.

Golaha ayaa sidoo kale shirkooda maanta ku meel mariyey heshiisyo iyo is-afgarad ay dowladda Soomaaliya la soo gashay dalalka Sacuudiga iyo Koonfur Afrika.

Intaasi kadib waxaa kulanka lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, canshuuraha, isku xirka warbaahinta ee arrimaha dagaalka ka dhanka ah Shabaab.

Sidoo kale golaha ayaa loo soo bandhigay warbixin kale oo la xiriirta xiriirka soo jireenka ee ka dhaxeeya dowladaha walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Ra’iisul wasaare Xamza oo madasha ka hadlay ayaa sudoo kale farriin u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay qayb ka noqdaan halka socda, isaga oo haweenka iyo dhalinyarada ku boggdaaiyay sida ay uga soo muuqdaan abaabulka socda.

Ganacsatada ayuu sidoo kale ka dalbaday inay qaataan doorkooda, isla-markaana ay taageeraan gulufka uu hoggaaminayo madaxweynaha, si looga adkaado Al-Shabaab.

Soomaaliya ayaa waxaa hadda ka socda dagaal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay illaa iyo hadda guullo waa weyn kasoo hooyeen ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka.

Ad
Previous articleAxmed Xasan iyo Aadan Maxamed oo Qaab layaab leh Alshabaab ula Shaqaynaayay oo Xukuno Adag lagu Riday
Next articleDabaq kale oo laga dhisayay magaalada Muqdisho oo Soo Dumay iyo Dhimasho iyo Dhaawac ka Dhashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here