Home Wararka Maanta Mataane Isku Dheggan Oo Cabasho Ka Keenay Mushaarka Hal Qof Oo Ay...

Mataane Isku Dheggan Oo Cabasho Ka Keenay Mushaarka Hal Qof Oo Ay Qaataan

0

Mohna iyo Sohna,waxaa ay u dhasheen Hindiya,waxaa ay 2021kii shaqo ka heleen sharikadda xoogga Korontada ee Dowlad Goboleedka Punjab.

Waxaa ay shaqeeyaan 12 saacadood,iyaga oo koronto yaqaan ah (Electrician),waxaa ay qaataan $200 doolar Bishii oo ah mushaarka halka qof ee Sharikadda u shaqeeya.

Labada wiil ee isku dheggan waxaa ay leeyihiin; laba wadne, afar Kelli,laba Laf Dhabar, afar gacmood,laakiin waxaa ay wadaagaan, hal Beer, hal kaadi heys, hal Beeryare iyo laba lugood.

Dadka qaar ayaa ku doodaya in sharikadda Korontada ay ku saxantahay in ay ula macaamisho sida hal qof, halka dadka qaar dalbanayaan in la siiyo mushaarka laba qof.

Ad
Previous articleSoomaaliya iyo Ethiopia oo kala saxiixday heshiis amni + Sawirro
Next articleCiidamada Booliska oo Gacanta ku dhigay gacan ku dhiigle Faarax Jibriil Xuseen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here