Home Wararka caalamka Trump Oo Hoos U Dhicii Ugu Weynaa Ee Dhinaca Taajirnimada La Kulmay

Trump Oo Hoos U Dhicii Ugu Weynaa Ee Dhinaca Taajirnimada La Kulmay

0
SHARE

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa hoos ugu soo dhacay kaalinta 222-aad ee diiwaanka taaajiriinta ee majaladda Forbes, kadib markii hantida uu haysto oo ahayd $3.5 bilyan ay hadda hoos ugu dhacday $3.1 bilyan oo doolar.

Majaladda ayaa sheegtay in hoos u dhaca hantida Trump ku timid ay ugu wacantahay qiimo dhac ku yimid hantida ma guurtada ah ee uu ku leeyahay New York iyo dakhliga kasoo gala goobaha lagu ciyaaro kubbadda usha lagu gamo ee Golf.

Waxaa diiwaanka ugu sareeya ninka asaasay, islamarkaasna ah milkiilaha shirkadda iibka internerka ee Amazon, Mr. Jeff Bezos.

Hantida Mr Bezos ayaa imika gaartay $112 bilyan taasi oo qiyaastii ahayd $39.2 bilyan sanaddii aanu soo dhaafnay.

Sare u kaca ku yimid hantida Mr Bezos ayaa ah ah tii ugu badnayd ee ebed la diiwaangaliyo caalamka.

bbc

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here