Home Wararka Maanta Ninkii ka dambeeyay toogashada iyo dhaca xaafadda Islii loogu geystay nin Soomaali...

Ninkii ka dambeeyay toogashada iyo dhaca xaafadda Islii loogu geystay nin Soomaali ah oo gacanta lagu dhigay?

0

Eedeysane lala xiriirinayo toogashadii iyo dhacii loo geystay Aadan Cali Maxamed ayaa lagu qabtay magaalada Mombasa sida ay sheegeen booliska oo ku raad-joogay tan iyo markii ay dhacada dhacday.

Soomaaligan 26-jiraka ah ayaa Sabtidii la soo dhaafay laga dhacay qiyaastii $31,000 oo doolar Xilli uu saarnaa mooto laba lugaaleey ah ka hor inta aan la toogan.

Shaqsigan gacanta lagu dhigay oo lagu raad-joogay ayaa lagu qabtay magaalada xeebta ku taalla, waxaana la qabtay xilli uu sugayay inuu soo iibsado gaari uu u isticmaalo si shaqsi ah, sida ay sheegeen booliiska.

Dambi baarayaasha hor kacaya baaritaanka ayaa sheegay in ay raadinayaan tuhmaneyaal kale oo ku lug lahaa weerarkii 30-kii Maarso lagu beegsaday Aadan oo hadda la jiifo dhaawacii ka soo gaaray.

Ad
Previous articleSida macallinkan diinta Masiixiga dhiga uu u soomo bisha Ramadaan iyo qisada ka qabsatay
Next articleCabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo Runta U dheegay Xasan Shiikh iyo Deni kadib Talaabadii Shalay Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here